26th April 2024  admin  Category :

Sirdoonkii loo diray in uu keeno ‘madaxii’ Usaama Bin Laden iyo jabkii uu la kulmay

Kadib weerarkii 19-kii September sanadkii 2001-dii lagu qaaday Mareykanka-sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo lagu magacaabo Gary Schroen ayaa soo galay xafiiska nin madax u ah sarkaalkaas, waxaana lagu amray in uu soo qabto Usaama Bin Laden, hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida.

Gary Schroen waxaa lagu amray “Soo qabo Usama Bin Laden, soo dil, madaxiisa inoo keen, madaxiisa iigu soo rid sanduuq” Sidoo kale, weeraradaas kadib waxaa si weyn loo doon doonayay Ayman Al Zawahiri oo ku xigeen u ahaa Usama iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa Al Qaacida. Maalmo gudahood, Schroen iyo koox ka mid ah saraakiisha militariga ayaa ahaa Mareykankii ugu horreeyay gaaray Afgaanistaan, waxay heysteen oo kaliya taleefannada satalaytaka- iyo sidoo kale malaayiin doollar oo lacag caddaan ah si ay u helaan hab ay ku weeraraan saraakiisha saresare ee ka tirsan Al Qaacida.

Todobaadyo ka dib, 7-dii bishii Oktoobar, Mareykanka ayaa billaabay duullaanka ka dhanka ah kooxda Daalibaan ee Afghanistan, kaasoo horseeday dagaal socday ku dhawaad 20 sano isla markaana soo afjarmay bishii August 2021. Usma Bin Laden ayaa la dilay sanadkii 2011-kii, balse waxay qaadatay toban sano oo kale in la dilo Ayman Al-Zawahiri.

Maalin kadib markii diyaarad Drones- ah ay Kabul ku dishay ninkii xilka kala wareegay Usama, Ayman Al Zawahiri- Gary Schroen wuxuu dhintay isagoo 80 jir ah, sida la sheegayna wuxuu u dhintay ka dib markii uu dhiig madaxa uga furmay.

Dhimashada Usama kadib, agaasimaha CIA-da, William Burns ayaa ku ammaanay Gary Schroen inuu ahaa nin “xariif ah iyo dhiirigeliyay” sarkaal kasta oo ka shaqeeya hay’adda sirdoonka Maraykanka.

“In ka badan 20 sano uu ka shaqeynayay Afghanistan iyo doorkii uu ka soo qaatay hay’adda sirdoonka, Gary Schroen wuxuu matalayay hay’adeena” Mr Burns wuxuu intaa ku daray “”Weligeen ma ilaawi doono dadaalkiisa, daacadnimadiisa iyo dulqaadkiisa.”

Schroen waxa uu CIA u ahaa “madaxa saldhigga” Afgaanistaan iyo Pakistan 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka CIA-da oo saarnaa diyaarad dagaal sanadkii 2001 gudaha Afqanistaan
Qoraalka sawirka,Saraakiil ka tirsan sirdoonka CIA-da oo saarnaa diyaarad dagaal sanadkii 2001 gudaha Afqanistaan

“Taalibaan waa ay joogeen halkaas, qof walba waa uu ogaa in ay gaysanayeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo waxay hoggaaminayeen dowlad si xun ula dhaqanta dadka,” ayuu yiri. “Laakiin run ahaantii, ma jiro qof Washington jooga oo danaynayay.”

Sannadkii 1996kii, si kastaba ha ahaatee, Schroen wuxuu yirii “xaaladad way is bedeshay” ka dib markii sirdoonka Maraykanka ay bilaabeen inay diiradda saaraan dhaqdhaqaaqyada Usama Bin Laden, oo ahaa mujaahid aan caan ahayn xilliggaas isla markaana ahaa mujaahid horkacayay dagaal jabhadeed oo ka dhan ahaa midowgii Soofiyeedka sannadihii 1980-aadkii.

Schroen waxa uu sameeyay qayb ka mid ah koox yar oo ka tirsan Xarunta La-dagaalanka Argagaxisada ee CIA-da kuwaas oo ka digay halista waddaadka u dhashay Sucuudiga, Usama, Schroen isla markiiba waxa uu bilaabay in uu xiriir la sameeyo taliyayaashii Afgaanistaan oo uu garanayay wakhtigii uu gobolka joogay. Schroen iyo CIA-da waxay si isdaba joog ah isugu dayayeen inay dilaan ama soo qabtaan Bin Ladan, iyadoo qorshuhu ahaa in weeraro gaadmo ah lagu qaado kolonyo uu la socday iyo in lagu weeraro beertiisa oo ku taallay koonfurta Afgaanistaan si loogu garaaco gantaallo ama loola beegsado qaraxyo. Ugu dambeyn, Bin Laden wuxuu sii waday inuu qorsheeyo qaraxyadii lagu weeraray safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sannadkii 1998-kii, wuxuuna bishii August ee sannadkaas ka badbaaday weerar culus oo lagu qaaday saldhigyo ay Al-Qaacida ku lahaayeen gobolka Khost ee dalka Afgaanistaan.

Saddex sano ka dib, 19 afduubayaal ah oo ka tirsan Al-Qaacida ah ayaa bilaabay weerarradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka.

Hawlgalkii 2001 ee Afgaanistaan – oo si rasmi ah logu magac daray howlgalkii ‘Operation Jawbreaker’ – ayaa horseeday Schroen iyo 7 kale oo Maraykan ah inay ku biiraan Isbahaysiga Waqooyiga, isbahaysigii kooxahii la dagaallamayay dawladdii Taliban ee ka talinaysay Afgaanistaan tan iyo 1996. Markii uu helay amarkiisa, Schroen, oo markaa 59 jir ah ayaa shaqadiisa billaabay.

Wuxuu ku jiray 11 maalmood oo ku saabsanaa barnaamijka kala guurka CIA ee shaqaalaha hawlgabka ah.

“Weligay ma fileyn in taleefoon la iigu sheego hawlgalkan,” ayuu yiri sanado ka dib. “Waxaan u maleynayaa in uu ahaa go’aanka ugu wanaagsan, marka la eego xiriirka dheer ee aan la lahaa dadkaas ka tirsanaa Isbaheysiga Waqooyiga.”

dhiiranaanta Schroen waxaa ka dhawaajiyay Michael “Mick” Mulroy, oo hore uga tirsanaan jiray CIA, ahaana nin kasoo dagaallamay Afgaanistaan iyo ku xigeenkii hore ee Kaaliyaha Xoghayaha gaashaandhigga.

“Waaya-aragnimadiisa Afgaanistaan ka hor Sebtembar 11, 2001 , wuxuu aad muhiim ugu ahaa guushii aan halkaas ka gaarnay duullaankii uu hoggaaminayey,” ayuu Mr Mulroy u sheegay BBC.

“Intii aan kamidka ahaa kooxdii ugu horreysay ee Afgaanistaan, Gary wuxuu tusaale u ahaa fikradda hoggaaminta xagga hore.”

Hawlgal milatari ahaan, duullaankii Afgaanistaan guul weyn ayaa ka gaarnay, waxaana xukunka laga tuuray Taalibaan bishii December 2001-dii.

Dagaalyahanada Daalibaan
Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada Daalibaan

Laakiin Schroen bartilmaameedkiisii ugu weynaa wuxuu ahaa – Bin Laden – iyo shakhsiyaadka kale ee muhiimka ah ee ka tirsanaa Al-Qaacida sida Al-Zawahiri oo markaa baxsaday, halka Taalibaanna ay iska caabin sameeyeen oo ay dagaallameen dagaal jabhadeed oo muddo dheer socday ayaa ku dhamaaday fowdo markii uu Maraykanku ka baxay Kabul sannadkii hore.

Wareysi uu bixiyay Schroen intii uu noolaa wuxuu ku sheegay in ku guul dareysiga Mareykanka ee sugidda amniga Afgaanistaan iyo qabsashada cadawgiisa ugu weyn ay sabab u tahay, qeyb weyn oo ka mid ah, inay yaarato tirada CIA-da iyo agabka milatari ee loo weeciyay duullaankii Ciraaq ee 2003-dii.

In kasta oo ay hore u sheegeen maamulkii Maraykanka ee George W Bush in dawladda Ciraaq si uun loola xiriirinayay weeraradii 9/11, Schroen waxa uu sheegay in aanu waligiis rumaysnayn in Ciraaq ay wax ka ogaatay weerarkaas. Schroen ayaa ugu dambayntii shaqada ka fariistay sannado ka dib duullaankii Afgaanistaan, sanadkii 2005-tii waxa uu daabacay buug la magacaabo “First In” oo ku saabsan hawlgalka.

Sanado kadib markii uu shaqada ka fariistay Gary Schroen, wuxuu kooxaha u noqday bartilmaameed, sanadkii 2013-kii kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in ninka ay dishay, arrintaas oo ku khasabtay saraakiil Amerikaan ah oo aan magacooda la sheegin inay ku tilmaamaan waxbo kama jiraan kuwaas oo la hadlay warbaahinta NBC.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*