26th July 2024  admin  Category :

Qadar oo lacag ku siisay Al Shabaab inay sii daayaan Silvia Romano oo hadda sheegtay in magaceedu yahay Caasho.

The Al Shabaab spokesman also speaks: “With the money we will buy weapons for jihad but we will also pay schools and medicines for the population”

Afhayeenka AL Shabaab ayaa sheegay “lacagta ay heleen inay ku iibsanayaan hub ay ku jihaad galaan ( Jihaadku waa xasuuqa umadda Soomaaliyeed) laakiin sidoo kale waxaan u isticmaalaynaa Dugsiya iyo daawooyinka dadweynaha”

Silvia Romano oo habeenkii u horaysay seexatay gurigeedii Milan, ayaa hadda waxa isa soo taraya sidii lagu soo daayey, waxaana lug ku leh siidaynteeta Turki iyo Qatar oo xiriir la leh Al Shabaab

Image

Telefishinka Tgcom24 ayaa sheegay in Qatar ay door weyn ku laheyd sii deynta Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay Al-Shabaab.

TV-ga Tgcom24 ayaa shaaciyey in dowladda Qatar ay hoggaamineysay wada xaajoodkii lala galay Al-Shabaab ee lagu bixiyey lacagta madax furashada ee lagula soo wareegay Silvia Romano, taas oo lagu sheegay illaa saddex milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Sidoo kale Telefishinka Tgcom24 ayaa Qatar ku eedeysay inay xiriir la leedahay kooxda gacan-saarka la leh Al-Shabaab ee Al-Qaacida.

“Qatar ayaa xiriiro muhiim ah la leh [xoogaga gacanaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida].” ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey Tv-ga.

Ad by Valueimpression

Silvia Romano oo 18 bilood ay afduub ahaan u heysteen Al-Shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka sida ay shaacisay, kadib markii ay ka degtay magaalada Rooma caasimada wadanka Talyaaniga, halkaas oo ay dib ugula midowday qoyskeeda.

https://www.tgcom24.mediaset.it/cronaca/i-misteri-sulla-liberazione-di-silvia-romano-la-mediazione-del-qatar-le-fake-news-della-turchia-e-il-riscatto-milionario_18174928-202002a.shtml

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*