
16th July 2025 admin Category :
Shirkii amniga Puntland lagu khal khal gelin lahaa oo baaqday
Shirki la doonayey in Lagu qabto magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag oo ay dawladda Federaalku maal gelinaysay, oo ay u soo dooratay inuu hogaamiyo gudoomiyihii hore ee Baaarlamaanka Puntland Cabdirashiid Jibriil , ayaan baaqday, ka dib markii mucaarad xoogan looga hor yimid , Suldaanka Warsangelina, Suldaan Siciid uu amrayinaan magaalada shir Lagu qaban karin
Shirkan ayaa ujeedadiiau ahayd in laga soo saaro baaq iyo magacyo la leeyahay waxay ka mid noqon doonaan maamulka Khaatumo, oo ayna jirin meel ay beesha Warsangeli kaga mid noqdeen, hase ahaatee ujeedada laga leeyahay ay tahay in la helo Xildhibaano soo doortaan madaxweynaha hadda xilka hay.
Sida loo badinayo gudoomiye Cabdirashiid wuxuu hadda aadi doonaa magaalada Laascaanood oo wada tashi iyo wajiga labad waxay yeeli doonaan uu la soo yeelan doonaa koox Laascaanood u fadhida burburka Puntland oo laga soo diray Muqdisho.