
16th July 2025 admin Category :
BADHAN: Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, kana kooban wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowladda ayaa gaadhay degmada Badhan ee gobolka Sanaag.
Masuuliyiinta ayaa caawa hoygiisa ku booqday Suldaanka Guud ee beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire, oo ay ka wada-hadleen horumarinta gobalka Sanaag