15th July 2025  admin  Category :

Madaxddii Warsangeli ee Federaalka oo garoonka Laascaanood looga dhuuntay\

Doorashaddii Xildhibaanada ee Baarlamaanka ee dawladda Federaalka, ee lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Kursiga Hop#157, ayaa loo doortay Maxamuud Axmed Aaden Geesood, oo hadda ah Wasiirka Ganacsiga oo lagu bedelay Cabdulaahi Ilko jiir.

Xildhibaankii lagu dooratay gudaha garoonka Boosaso oo hadda ah ninka dawladda Fderaalku u xilsaartay inuu beesha Warsageli ku biiriyo maamulka Khaatumo , ayaa maanta ka soo degay Garoonka Laascaanood, si uu Tikniko uu leeyahay Firdhiye loogu qaado gobolka Sanaag uu ka soo jeeda. Waa sawir la doonayo in lagu qaraabto in Khaatumo ka taliso Sanaag

Wasiir Geesood oo ay la socotay Xildhibaanka aqalka sare ee beesha Warsangeli oo ah labada qof oo ugu darajo sareeya beeshaas, ayaa markii ay soo gaareen maanta garoonka Laascaanood wax ku soo dhoweeya ka socda maamulka Khaatumo, kan gobolka Sool, kan degmada Laascaanood. Nasiib wanaagooda waxay halkaas ku sugayey koox ka tagtay gobolka San aag oo u badan warbaahinta oo loo sheegay inuu wado lacag ka timid Federaalka oo ah tii Askarta lagu qorayey

Inta badan madaxda Khaatu soo dhowayntoodu waa ka duwanayd tii maanta Marka ay soo dhowaynayaan kooxaha Muqdisho ka yimaada derajo kasta ha lahaadeene.

Madaxda Khaatumo, ma qarsadaan inaanay doonayn maamul dhamaystiran oo ay yeeshaan gobolada Sanaag iyo Sool, hase ahaatee waa rabaan oo doonayaan maamulku lagu soo biiro. Laakiinse waxa hadda khasbaya koox Warsangeli ah oo ay ka mid yihiin kooxdan oo doonaya ku biirid tii ay rabeen ah iyo sidoo kale dawladda Federaalka oo rabta maamul magacyo uy’aal ah oo ay Xildhibaano ka hesho

Ugu danbayntii sawirkii maanta ee madaxda gobolka Sanaag lagu arkayey iyaga oo iska daba wareegaya garoonka Laascaanood oo waayey wax la hadda oo ka mid ah madaxda Khaatumo, aan ka ahayn koox ka tagtay gobolka Sanaag , ayaa axay taageero siinaysaa kooxdii Sanaag ee awalba diidanayd in Kooxda Firdhiye ay maamul wada samaystaan.

ALLSANAAG>COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*