26th July 2024  admin  Category :

Shirka Shidan ha noqdo mid u dhaxeeya Warsangeli iyo Habar yoonis , Somaliland iyo Puntland ama Daarood iyo Isaaq

Maalintii shalay waxa warbaahinta ka hadlay Guurti Siciid Maxamuud Ismaciil, oo ka mid ah Isimada gobolka Sanaag, gaar ahaan kuwa beesha Garab sare. Isimku warbaahinta wuxuu ka sheegay xaq daraddii lagu xiray ee uu dhowr iyo tobonka maalmood xabsiga Ceerigaabo ugu jiray isaga iyo Isimada kale , wuxuu ka hadlay weerarka lagu hayo Shida iyo Waqdariya, dhul boobka beesha Habar yoonis ku hayaan degaanada beesha Garab sare iyo inay soo dhoweenayaan heshiiskii Suldaan Siciid ee ahaa bisha Ramadaan in la sameeyo Xabad joojin, ka dibna laysugu yimaado Shir nabadeed.

Soomaali badan ayaa soo dhoweeyey hadalka Isimka ee nabadda, hase ahaatee, nasiib xumo Maamulka SNM iyo Beesha ina Xaaji Nuur hadalkii Isimku baal ayuu ka maray, ilaa waa niman loo sheegay in Buuraha Shidan uu DAHAB ku jiro

Markii hore waxay isticmaaleen qaar ka mid ah beesha Warsangeli ee u shaqeeya , waxayna u soo dhiibeen fariin ah in Beesha Warsangeli ay ka raali geliyaan beesha Habar yoonis, sababtii uu Guurti Siciid Warbaahinta uga hadlay . Ma jirin siyaasi ama Isim Habar yoonis ah oo raali gelin ka bixiyey xarigii sharci darada ahaa ee loo gaystay Odayaasha nabadda u yimid degmada Ceerigaabo ee ka soo jeeday beesha Warsangeli. Iyaguna waxay sugayaan Qof ay asharci daro u xireen inay sii aamusiyaan. Waa mid ka mid ah sababha looga fiirsanyo Ciida la hadlaysa beeshan Hubaysan ee garabka ka helaysa maamulka BEELAHA ISAAQ ku midaysan yihiin ee Somaliland

Markii labaad waa ku kalsoonoon waayeen kooxdii u shaqayn jirtay , oo iyagii ” Beeshii Ina Xaaji Nuur ayaa warbaahinta soo fariisatay si ay u carqaldeeyaan nabadda lagu baaqay waxay ka been sheegen bisha Ramadaan iyo in Puntland ka dagaalamayso Shidan. Waxay ka been sheegeen dagaaladdii Sideetameeyaddii oo ay isu arkaan inay ku guulaysteen.

Odaygan aad arkaysaan caan ayuu ka ahaa Dagaaladdii sokeeye ee gobolka Sanaag, markii danbena Tabliiq ayuu noqday, waana koox looga shakisan yahay inuu la shaqeeyo argagixisada buuraha Calmdow. Odaygan wuxuu ku soo koray jabhadda SNM Guriga Qoys Nuux Cumar ah.

Ugu danbayntii sida muuqata ma jirto awood isku dheeli tiran ee wada hadalka maamulka beesha ISAAQ iyo iyo beesha Garab sare. Sidaas awgeed waa in wada hadalada soo socdaa ay noqdaan sidan :

In loo wada hadlo Habar yoonis iyo Warsangeli, in loo wada hadlo Garab sare iyo Jilibka la degan ee Habar Yoonis , in loo wada hadlo Daarood iyo Isaaq, sababtoo ah Laasa Surad oo degaan Majeerteen ah iyaduna meesha ayeey ku jirta in laga wada hadlo, oo dib loogu soo celiyo beeshii Gahayle ee Majeeteen ee laga bililiqaystay iyo in loo wada hadlo Maamulka Hargaysa iyo maamulka Puntland.

Odayaashii shalay loogu xoog sheegtay Ceerigaabo oo xabsiga la dhigay heshiis noocee ah ayeey bil ka dib saxiixayaan, waa haddii sida wax loo wado loo sii daayo , Warsangeli intiisa kalena ay sidan hadda wax loo wado au ku sii daawadaan . Guurti Siciid kalsoonida shacaka ayaad maanta haystaa ee ha joojin wacyi gelin iyo Damaca waalan ee Ina Xaaji Nuur ka leeyahay gobolka Sanaag.

Allsanaag.com ,news@allsanaag.com

4 thoughts on “Shirka Shidan iyo Reer Maakhir

  1. Ahmed Somalilander

    Reer sanaag ee qaranka Somaliland ayaa loo wada hadli doona ee waxan aad ka hadlaysid maxay ahyd majeerteen maxa kaso galay sanaaag warya nin bukaa ayaad tahaye waxan kuleyahay jooji naxligan iyo xumanta aad duriyada uu haysid hau dhimane

    Reply
  2. Dalsonjubland

    War Warsangalow is ilaasha and midowa , SNM iyo Haryoonis dhulbalaris ayey raadinayaan , waxay u haystaan inay ku guulaysteen dagaalidii 1993, Hadana waxa daba ka riixay mamulka gobolka, marharo ayey qateen Dhul ayleeyihiin Beesha Gahayle ee majeerteen iyo dhul Neleeye AXmed leeyahay.
    Hadii ay rebaan wadahal waa in loo wadahadlaa Habaryoonis iyo Harti or Grabsare iyo gilbkooda.
    Waxa rabaa inaan u habalyeeyo beesha Nux Cumar (Garabsare) sida ay udifaacdeen dhulkooda , Cashar ayey udhigeen Habaryoonis.
    Weldone congratulations
    Mardonbe isku dayayaan
    Heshiska waa in laga saxiixaa in ay joojiyaan dhulbalaarsiga
    20 Sano lasoodhafay dandansi ayey wadeen
    Waxay dad Harti ah ku deleen Lasa Sureed, dhabeeta iyo Ceeragabo.
    Enough is enough

    Reply
  3. Mohamad

    Allsanaag

    Warsangeli,Habar yoonis,Habar Jeclo iyo inyar oo Naaleeye Axmed ah ayaa Sanaag wada dega,waligoodna waa wada deganaayeen,mana jirin xurgufo iyo dagaalo u dhexeeyay,waxanay Ku wada noolaayeen nabad,darisnimo,is xurmeyn.

    Shaqaaqada hadda soo cusboonaatay waa in si wanaagsan looga wada-hadlaa,loona xaliyaa,ciddii gardaranna khaldkeeda loo sheegaa,ayna qaadata,qolo kastaana Ku ekaataa degaankeeda,meelaha la wada-degona lagu wada degaenaadaa nabad.

    Hadda waxaad qoraalkan kusoo darteen Majeerteen ayaa wax ka dega Sanaag,oo dhul Ku leh,waana wax lala yaabo,mana maqal weligay!!

    Reer Isaaq maaha sidaad naxliga aanan Warsangeli Ku ogeyn uga qoraysaan,mana jirto nacayb,dhul boob uu rabo inuu dadka walaalihii ah ee alle dhulka Ku wada beeray dhulkooda damaaciyo,waxana caddayn u ah boqolaal sano ayaa la wada degenaa,mana jirto dhul cid kale oo ay maanta iyagu degan yihiin ee dhulkooda ayay Ku egyihiin.

    Midda Nidaam in la wadaago,loo dhan yahay,dadka Somaliland ama Woqooyi ay wadaagaan taariikh,dal cid dafiri kartaa ma jirto,waxanay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska 26 Jun 1960.

    SIYAASADDA IYO NABAD KU WADA NOOLAANSHAHA QABAAILKA SOMALILAND HALLA KALA SAARO.

    ISAAQ BAA DHUL BOOBAYA,CID DUULAAN KU AH,WAA HADAL AF KA WEYN.

    NAXLIGA HALLAYSKA DAAYO,OO WANAAGA IYO NABADDA HALLA ADKEEYO.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*