27th July 2024  admin  Category :

Reer Muqdisho oo bandowgii shalay diiday ayaa maanta qalab caafimaad loo qaybiyey. Soomaali inteeda kale ee hogaansan sharciga ma helin kool koolintan Reer Muqdisho .

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) qaybta ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Qeybinta maaskaraha oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dadka reer Muqdisho ayaa loo qeybiyay darawallada Bajaajta, gaadiidka dadweynaha iyo qeybo kale oo kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay qorshaha bulshada loogu geybinayo maaskaraha iyo dadaallada kale ee dowladdu ku xakameyneyso faafitaanka iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo COVID-19.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*