8th May 2024  admin  Category :

Shirka Amniga Puntland Ee Gaalkacyo Oo Laga Soo Saaray Awaamiir La Xiriirta Nabadgelyada

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga heer Gobol ayaa shir-guddoomiyey kulanka Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

Shirka ayaa maanta waxaa qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Guddoomiyayaasha Xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Shirkan oo mudo socday ayaa laga soo saaray qodobo wax-tar uleh Amniga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Taliska qaybta gobolka Mudug ayaa maanta Maamulka Dowlada hoose ee degmada Gaalkacayo kala wareegay agab ka kooban Mashiin sheegaya qofka cabsan iyo katiinada lagu xiro dambiilaha.

Ugu horeyna Guddomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xoojin doonaan sugidda Nabadgelyada Degmada iyo tan Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Mudane Faysal Sheekh Cali ahna Guddoomiyaha Gudiga Amniga heer Gobol ayaa isna sheegay in la xoojin doono amniga guud ee gobalka iyo howlgallada la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*