26th April 2024  admin  Category :

Sheekada maxbuus laga sii daayey Guantanamo Bay oo ay hore jidh-dil u geysatay CIA

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Majid Khan oo u dhashay dalka Pakistan oo ku xidhnaa xabsiga Guantanamo Bay, in loo wareejiyey Belize oo ah dal yar oo ku yaalla badhtamaha qaaradda Ameerika. Maxbuuskan ayaa hore u shaaciyey inay jidh-dileen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Majid Khan oo lagu eedeeyey inuu door ku lahaa weeraradii lagu qaaday Maraykanka sannadkii 2001, ayaa laga soo xidhay dalka Pakistan sannadkii 2003, iyada oo intii u dhexeysay sannadihii 2003 illaa 2006 lagu hayey goobo qarsoon oo ay maamusho hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Illaa iyo 34 maxbuus ayaa haatan ku sii hadhay xabsiga Guantanamo Bay, iyada oo tirada xabsigan hore ugu jirtay ay ahayd illaa 800 oo maxbuus. illaa 20 xubnood oo haatan ku xidhan xabsiga Guantanamo Bay ayaa u qalma in loo wareejiyo meelo kale sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee Maraykanku.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sannadkii hore ku wargeliyey sharci-dejiyayaasha Maraykanka, wareejinta la xidhiidha Majid Khan, sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Majid Khan oo sannadkii 2021, qoraal gaadhaya illaa 39 bog, ka hor akhriyey guddi milateri oo qaabilsan dhinaca garsoorka, ayaa ka waramay falal jidhdil ah oo lagula kacay intii uu ku sugnaa xarun gaar ah oo ay leeyihiin hay’adda CIA; noocyada jidh-dilka ee loo geystay ayuu ku sheegay in ay ka mid yihiin, in la soo laalaadiyey maalmo badan, in inta la qaawiyey in haddana madaxa loo geliyey dabool madow. Majid ayaa sheegay in ilaalada xaruntaasi ay saacad ama labadii saacadoodba inay mar ku tuuri jireen biyo baraf ah isaga oo qaawan.

Majid ayaa sidoo kale sheegay in la garaacay, in biyo lagu hafiyey, iyo in xataa dabada wax laga gelgeliyey, mararka qaarna in loo diiday cuntada iyo hurdada, ama in lagu xidhay meelo cidlo ah, halka mararka qaarkoodna lagu xidhi jiray qolal uu ka daaran yahay Music aad u sarreeya, 24-ka saacadoodba.

Majid ayaa sheegay in dhacdooyinkani ay socdeen muddo saddex sannadood ah, taasoo ka bilaabantay markii laga soo xidhay dalka Pakistan oo ku beegnayd sannadkii 2003 illaa laga keenayey xabsiga Guantanamo Bay, sannadkii 2006.

Xabsiga Guantanamo Bay oo ku yaalla xerada ciidamada badda ee dalka Cuba ayaa la furay sannadkii 2002, waxaana amarka lagu furay bixiyey madaxweynihii hore George W. Bush, hase ahaatee madaxweyne Obama oo xilka kala wareegay ayaa hoos u dhigay tirada maxabiista ku xidhan xabsigaas.

Inkasta oo marar kala duwan la isku dayey in la xidho xabsiga haddana dedaalladaasi ma suurogelin, ka dib culas badan oo ka yimi dhinaca xubnaha mucaaradka ah ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee ku jira golaha baarlamaanka ee Maraykanka.

Reuters

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*