26th April 2024  admin  Category :

In shariif Sakiin madaxweyne u tartamo Reer Waqooyina ayna hawaysan waa caddalad darada iyo 70 Xildhibaan uu xaaraanta ku helay.

Ma jiro Siyaasi Soomaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Awdal, Togdheer, Waqooyi galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo u tartamaya madaxwynaha Soomaaliya, halka labaatan musharax oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay iyagu u tartamayaan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Sababtuna waa caddalad darada ka jirta Soomaaliya iyo sida loo qaybsaday xildhibaanada oo ay  koonfurta Soomaaliya heleen xildhibaano  saduburi  iyo siyaado ah. Waana sababta dhiiri gelisay in Shariif Sakiin iyo Xasan Culusoow oo tuug ah  inay isu soo sharaxaan madaxweynaha Soomaaliya. Halka siyasiyiinta, waxgaradka iyo Midnimo doonka Waqooyiga  Soomaaliyeed  ayna iyagu  soo hawaysan inay u tartamaan madaxweynaha Soomaaliya. Sida muuqatana ama wax u socdaana aan loogu talo gelin inay qabtaan hogaanka sare ee Soomaaliya abidkood.

Shariif Sakiin. oo maanta u tartamaya madaxweynaha Soomaaliya wuxuu haystaa 70 Xildhibaan oo Raxanweyn ah oo Soomaalinimada iyo midnimada Soomaaliya ay kala weyn tahay u codaynta Shariif Sakiin. Taasima maaha mid ay Soomaali ku sii wada joogi karto oo Qaran Soomaaliyeed oo dhamaystiran  lagu helayo.

Ugu danbayntii Mowqifkii maanta ee Siyaasiyiinta reer waqooyiga ee ka soo  wada jeeday dhamaan   gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo ay ku doonayeen iyaga oo tanaasul sameeyey inay 33% ka helaan Xildhibaanada Soomaaliya waa mid u baahan in la soo dhoweeyo.  Waana bilowgii Qaran Soomaliyeed lagu   heli lahaa . Halka aynu maanta aynu  ka haysano dawlad   Digil iyo Mirifle iyo Todaabatankooda Xildhibaan ay afduub ku haystaan oo qofkii ay u codeeyaan iyaga oo aan kala harin uu madaxweyne noqonayo

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*