26th July 2024  admin  Category :

Mudug Iyo Nugaal  miyeey ka argagexeen Reer Waqooyiga Muqdisho ku shiraya.

Dhowrkii bilood ee ugu danbaysay sanadkan aynu ku jirno,  warbaahinta Soomaalidu waxay qorayeen kuraastii Xildhibaanada Aqalka sare ee Gobolada Sool iyo sanaag waxa la geeyey “Waqooyiga Soomaliya. Ma jirin siyaasi ka soo jeeday gobolada Nugaal iyo Mudug oo ka hadlay ama Warbaahinta wada wadata magaca Puntland oo wax ka qortay “haddi reer Sool iyo Sanaag ahaayeen Puntland waa maxay sababta  xildhibaanadooda loo geeyey waqooyi. Taa waxa sii dheer madashii  Xildhibaanada Sool iyo Sanaag lagu go’aamiyey in la geeyo  Waqooyi waxa fadhiyey oo raali ka ahaa in halkaa la geeyo  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra’isawasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ka soo wada  jeeda Nugaal iyo Mudug.

Bulshaddii Nugaal iyo Mudug ee ka war haysay , la socday, ka aamustay raalina ka ahayd  in kuraastii Sool iyo Sanaag  la geeyo waqooyiga Soomaaliya,  in ay maanta ku argagaxaan sawirka Ilkojiir, Camey iyo Reer waqooyi oo wax ku  wada qaybsanaya Muqdisho , waa is yeel yeel iyo khalad laga fahmay Puntlandtii la wada dhistay. Haddi aad shalay raali ka ahayd in kuraasta Sool iyo sanaag la geeyo waqooyi ma waxa doonaysay in sidii Laascaanood looga samro Kuraasta Aqalka sare. Haddaan la wada hadlayn.

Ugu danbayntii maanta Madaxweynihii Puntland Gaas wuxuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo u ololeenaya siddi Xasan Culusoow dib loogu soo  dooran lahaa . Halka madaxweyne ku xigeenkiisuna Camey  isaguna     ku sugan yahay  magaalada Muqdisho.  isaga oo u ololeenaya siddi reer waqooyi xildhibaano badan u heli lahaayeem. Waxa kale Muqdisho ku sugan Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid ah Puntland oo iyaguna u ololeenaya arimo kale oo  lid ku ah Puntland. Hadaba dhulgariirka siyaasadeed ee socda ma u diyaar garoobeen wiilasha cidlada ka argagaxaya maanata ee ka soo jeeda Nugaal iyo Mudug

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*