29th March 2024  admin  Category :

Mowqif cusub oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ka istaageen saami qeybsiga Aqalka Sare

Kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxay mowqif cad ka istaageen arrinta Aqalka sare ee saami qeybsiga beelaha waqooyi ama Somaliland, iyagoo sii cusleeyay khilaafkii iyo is qab qabsiga markii hore ka taagnaa xubnaha Aqalka sare.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax, Wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland.

War saxaafadeedka laga soo saaray kulankan ayaa lagu sheegay inay daba joogaan cadaalad darradii iyo cabashadii ka taagneyd qoondada kuraasta Aqalka sare ee Somaliland, oo aan wali xal kama dambeys ah laga gaarin.

Siyaasiyiintan ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay in aanay ku qanci doonin saami qeybsiga aqalka sare wax ka yar %33 xubnaha Aqalka sare oo u dhigma 18 xubnood Aqalka Sare, taasoo ka badan 11 xubnood ee markii hore la isku hayay.

Sidoo kale Siyaasiyiintan ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay is raacii Gobolada Koofur iyo waqooyi 1960-kii, sidaas darteed ay wali tabanayaan cadaalad darro.

Waxaa kaloo ay sheegeen in hadii Madaxda Madasha ku adkeystaan mowqifkoodii hore oo aanay tixgelin tabashadooda ay halis gelin karto Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-

aqalkasare1aqalkasare2

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*