26th July 2024  admin  Category :

Maalintii madaxweyne Xasan Culusoow la wareegay Villa Soomaaliya muxuu sameeyey

Shaqaalihii Villa Soomaaliya  ee dibadda loogu qaaday in dawladnimada la soo baro, ayaa casharkii u horeyey   maanta qaatay. Shaqaalahan Villa Soomaaliya  oo ka soo wada jeeday hal Beel ayaa loo qaaday Magaalo maddaxda dalka Burundi ee Bujumbura. Mashruucan Soomaalidan lagu barayo dawladnimada  ayaa waxa maal gelinaysa Qaramada midoobay.

hawi

Shaqaalaha Villa Soomaaliya oo Casharkii u horeeyey  u fadhiya, kaas oo ah  Karaanimada iyo hab maamuuska dawladnimo

brundi

sano

Hoos ka akhriso maqaalkii aan horay uga qornay.

67  ka mid ah, Shaqaalaha Villa  Soomaaliya , oo u badan shaqaalaha ka shaqeeya   xafiiska Xasan Culusoow  ayaa u dhoofay Bujumbura, Burundi .

xadaad

(ALLSANAAG) Kooxdan ayaa  waxay ka mid yihiin, shaqaale gaaraya  120 oo  ka mid ah  shaqaalaha dawlada  ee ka shaqeeya xafiiska Madaxweyne   Xasan Culusoow iyo RW Saacid oo isugu jira Karaaniyaal (secretaries), Saraakiil yaqaan sida dawladu u shaqayso (protocol officers ) iyo isku dubaridayaal xafiisyada dawlada (administrators). Shaqaalahan  dawlada Soomaaliya oo aan horay Xafiis uga soo shaqayn, hase ahaatee xilalka ku helay qaab Qabiil ayaa waxa tababarkan u diray oo isku soo duba riday Qaramada midoobey iyo  Africa Union Mission in Somalia (AMISOM).

Waftigan Shaqaalaha Villa Soomaaliya  oo la soo tababarayo,  waxa hogaaminayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Adeegga Bulshada iyo horumarinta Aweys Xadaad, oo isaga naftiisu qaab qabiil ku haya xilka oo ay meel ka soo wada jeedaan Wasiirka Adeega Bulshada Maryam Qaasim

Tababarkan  shaqaalaha Villa  Soomaaliya, ayaa  waxa loogu qaban doonaa  magaalada Bujumbura,ee dalka    Burundi waxaana la qabanayaa   inta u dhaxaysa 14th – 20th January iyo 21– 25 January 2013.

Gebagebadii Soomaaliya waa dalkii ugu  horeeyey oo banaanka loogu qaado Karaaniyaal iyo Xisaabiyaal si loogu soo tababaro xafiisyada ay ka shaqeeyaan. Shaqaalahan la qaaday oo lagu qaaday magaca Soomaaliya oo Qaramada midoobay soo tababarayso dhamaantood waxay ka soo jeedaan Beesha Madaxweyne Xasan Culusoow.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*