26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Guddiga Abaaraha, Ganacsato iyo Hay’adaha gar gaarka “

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran, Hay’adaha Gar gaarka ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa wuxuu ahaa mid madaxweynaha uu isugu yeeray dhammaan xubnaha ka soo qaybgalay waxaana looga hadlay sidii gurmad deg deg ah loogu samayn lahaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo Gurmado dadka Soomaaliyeed ee ku xoola belay Abaaraha ee haatan ku sugan gobalada Dalka inta aysan ka sii darin xaaladooda.

Wuxuu ku baraarujiyay ganacsatada, qurba joogta iyo hay’adaha gargaarkaba in ay ka qeyb qaataan samata bixinta dadka haatan Gurmadka u baahan.

“Intaan ka badan ma jirto wax aan sugi karno waa in Todobaadka soo socda aan bilownaa u Gurmashada dadkeena.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Heer Qaran oo uu hoggaaminayay R/wasaare Ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte, Ganacsatada iyo xubnaha Hay’adaha gar gaarka ayaa soo dhoweeyay kulankaan waxayna isla qireen sida ay haatan muhiim u tahay in si deg deg ah loo gurmado dadka liita.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*