4th November 2024  admin  Category :

Amniga dalka, doorasho qof iyo cod ah, iyo dastuurka dalka oo la dhameeystiraa ayaa ah waxa ay shacabka Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin. Diyaaraddo la raaco iyo ka qeeyb galka shirar caalamiga ah oo la badsadaa, ma soo kordhinayaan waxaan ka aheeyn wakhti lumis.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay aadka ugu baahan yihiin waa amni, amnigii dalkana waxaa caqabad ku noqday koox yar oo xaaraamiyiin ah kuwaas oo eber ka dhigay shacabka Soomaaliyeed. Kooxdaan xaaraamiyiinta ah hadii aan dalka Soomaaliya laga sifeeyn, waxa taagnaan doonta dhibka ay ummadda Soomaaliyeed ku hayaan iyo joogitaanka ciidamadda ajnabiga ah oo iyana sii daba dheeraata.

Maanta dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada waxaa horyaal sidii xaaraamiyiinta Shayaadiinta ah loo soo afjari lahaa, iyada oo laga faa’iideeysanayo dhibka ay dareemeeyn shacabka awal hoosta ku heeystay argaggixisadda. Amni buuxa hadii aan la helina, dabcan ma dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka oo idil, sidoo kale, dalka waxa uu noqon doonaa mid aan dhaqaalo ahaan isku furneeyn. Balse hadii kooxda xaaraamiyiinta ah laga takhalluso oo dalka oo dhan la isku furo, waxaa xigi doonta in dalka uu u gudbo dhinaca horumarka.

Dhinaca kale, hadii lagu guuleeysto doorasho qof iyo cod oo ka dhacda dalka oo idil, iyadana waxeey daaqadda ka saari doontaa xubnaha baarlamaanka ee aan cidina soo dooran, balse ku yimid wadiiqada xaaraanta ah. Waxeeyna doorasho qof iyo cod ah oo xallaal ah ay horseedi doontaa in dalka loo soo doorto dad shacabka ay la xisaabtamaan, waana meesha uu isbeddelka dhabta ah uu ka billaaban karo.

Midda ugu danbeeysa waa in dastuurka qabyada ah ee dalka la dhameeystiraa si meesha looga saaro isqabqabsiga ba’an ee soo taagnaa waqtiga dheer ee u dhaxeeya madaxda sare iyo tan dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Waa in dastuurka uu noqdaa mid aan dhinicii la doono loo jiidan karin, balse ay cadyihiin qof kasta waxa shaqadiisu ay tahay iyo waxa ay tahay inuusan faraha la gellin.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*