27th July 2024  admin  Category :

Waxaa maanta magaalada Garoowe soo gaaray ciidan hordhac ah kuwaas oo illaalin doona amniga Madaxweeyne Farmaajo. Su’aasha meesha taal ayaa waxaa ay tahay, sababta keentay in ciidan illaaliya Farmaajo la keeno Garoowe iyadoo ay jooggaan ciidankii Puntland. Mise Puntland ayaa noqotay meel aan amnigeeda la isku halleen karrin sidda Muqdisho?

Waxaa xaqiiq ah in Puntland ay ka amni badan tahay dalal badan oo ka mid ah dunida, balse ciidankan yare ee la keenay Garoowe ayaa ah mid sawir qaldan ka bixinaya amniga Puntland.

Hadaba, waxaa Puntand horrey u yimid madaxweeynayaashii Farmaajo ka horreeyay sida Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif. Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif ma aysan jirrin ciidan ay la yimaadeen ama ay iska soo hormariyeen, iyagoo welliba aan deeggaanadan ka soo jeedin. Kii Daaroodka ahaana wuxuu iska soo hormariyey ciidan taas oo sumcad dil ku ah amniga ka jira Puntland.

HOOS KA DAAWO SOO DHAWEEYNTII XASAN SHIIKH EE BOOSAASO IYO GAROOWE OO AAN LA IMAN CIIDAN ILLAALIYA

https://youtu.be/bRHCDmPITyA

TANINA WAA SOO DHAWEYNTII SHIIKH SHARIIF EE GAROOWE OO AAN CIIDAN ISKA SOO HORMARIN

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*