17th July 2026  admin  Category :

Sawirka markab dagaal oo weerar ku socda dhiigna ka da’ayo oo lagu dhajiyay fagaare ku yaalla Iran

Inta badan warbaahinta Iran ayaa daabacday sawir cusub oo laga dhajiyay fagaaraha Kacaanka ee magaalada Tehran, kaasoo muujinaya markab diyaaradeed oo Mareykan ah oo la weeraray.

Midabka sawirka ayaa ah calanka Mareykanka, waxaana qaybta dambe markabka jiitamata dhiig hooraya.

Siidaynta sawirkaan, ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Bariga Dhexe soo gaareen koox marakiibta dagaalka ee Abraham Lincoln ah iyo sidoo kale qalab kale oo Maraykanku leeyahay, waxaana ay dhalisay hadal-hayn ku saabsan suurtogalnimada isku dhac millatari oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Maanta, Salar Velayatmadar, oo ah xubin ka tirsan guddiga amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka Iran, ayaa sheegay in “dagaal militari uu dhici karo daqiiqad kasta.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*