
15th July 2026 admin Category :
Labo Ajaaniib oo katirsanaa kooxda Argagixiso ee Daac1sh ayaa isku dhiibay ciidanka difaaca Puntland ee kusugan buuraleyda Calmiskaat, iyagoo ka faa’iideysanaya waraaqo loo daadiyey todobaad kahor oo loogu sheegayay in ay is dhiibi karaan maalmo gudahood.
Ciidanka Puntland ayaa guulo istaraaji ah ka gaaray la dagaalanka kooxdan argagixiso oo mar isku qaabeysay halis caalami ah, balse hadda awoodeeda 95% meesha laga saaray, iyagoo xubnaha firxadka ah ay ku jiraan hanaan ay isku dhiibi lahaayeen.
Bisha Janaayo ayaa tirada ugu badan ay is dhiibtay oo galay gacanta Hay’addaha amniga, iyadoo baaris lagu hayo macluumaadka ay hayeen xubnahan.







