7th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, ayaa maanta garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Garoowe kaga qeyb-galay Roobdoon Alle SWC lagaga baryaayey Ramaxddiisa (Roob) inuu ku maneeysto ummaddiisa.

Abaarta iyo jiilaalka jira oo sababtay xaalad adag oo ay waajaheen dad iyo duunyoba, waxa ay dowladdu juhdigelisey Roobdoon xiriir ah oo Alle SWC lagu waydiisanaayo Raxmaddiisa, waxa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba ku booriyey inay markasta iyo xaalad kasta oo ay ku jiraan Rabbi SWC waydiistaan dembidhaaf iyo Raxmaddiisa, mid wax tarleh oo aan waxyeelo laheyn.

Madaxweynaha ” Ayaa shacabka ku booriyey inay isgarab-istaagaan wakhiyada adag ee lagu-jiro, waxa uu xusay, in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan Reerguuraaga iyo dadka danyarta ah”. Ayuu yiri Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu dorkeeda iyo mas’uuliyaddeeda gudanayso, shacabka iyo cidkasta oo ay khusayso arrintani, iyana doorkooda u qaataan si hagar la’aan ah, si gargaar iyo garab-istaag deg deg ah loola gaaro shacabka abaartu saamayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*