27th July 2024  admin  Category :

Said Deni DOORO WAA XASAN SHEEKH & DAMUL JADIID DOORO!!

Said Deni waa xubin ka tirsan Kooxda DAMUL JADIID ee uu madaxda ka yahay Faraax C/qaadir (Faarax- SAKIIN), taasoo ka ee ka dilaacday URURKA AL-ISLAAX.

Shir ay ku yeelatay Kooxda DAMUL JADIID ayaa waxay garowsatay in sida kaliya ee ay Xukunka Soomaaliya ugu soo noqon karaan mar labaad ay tahay inay hogaanka Puntland la wareegaan, si ay ugu sahlanaato inay Soomaliya la wareegaan 2020.

Kooxda DAMUL JADIID ayaa waxay go’aansatay inay naf iyo maalba ku bixiyaan Musharaxa ay isku raaceen ee Said Deni.
Deni wuxuu ahaa wasiirka Qorshaynta xiligii Xasan Sheekh ama DAMUL JADIID ay Soomaaliya xukuntay wauxuuna qayn lixaad leh ka ahaa Dibindaabyeyn badan oo ay kooxdaasi u gaysatay Puntland, waxaana ka mid aha.

Xiligii Said Deni uu ahaa wasiirka Qorshaynta, kooxda DAMUL JADIID waxay diyaariyeen mu’aamarad marin habaabin ah oo ay ku shegeen qiyaas Tirokoobeed ay Soomaaliya ka diyaariyeen, qiyaas beeneedkaas oo ay Puntland ku sheegeen in 2.2 milyan ay ku nool yihiin halka ay yiraahdeen magaalada Muqdisho waxa ku nool 3.5 milyan.

Been abuurkaas ay Kooxda DAMUL JADIID diyaarisay waxay ku qoreen in wasaaradiisu diyaarisay uuna saxiixay Siciid Deni laakiin uu wasiir Caynte faafifiyey.

Said Deni waa siyaasiga kaliya ee Puntland kasoo jeeda oo kasoo horjeeda nidaamka fadaraalka ee Soomaaliya ay qaadatay, isagoo u adeegaya Kooxda DAMUL JADIID
Cadowtinimada uu Said Deni u qabo Puntland waxaa daliil u ah hadalkii dab ku shidida ahaa ee ka yiri dagaalkii labada beelood ee walaalaha ahaa ee ku dagaalamay Hawdka gobolka Sool, kuwaas oo dagaalkoodu soo bilowday 2007kii, oo dhowr jeer ay dawladda Puntland iyo tan DDSI ay nabdeeyeen, ninka doonayey in uu meel ku gaaro isku dirka labadaas beelood sidee dad iyo dal loogu aamini karaa? Kaasoo ah Said Deni.

#Puntkandt-lawada leeyahay Tan Maaha!

Jama Feyte xubin ka tirsan. (Uruka Raja-soo celinta Puntland)
Jamaayanle@aim.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*