27th July 2024  admin  Category :

Qofka u shaqeeya ama u shaqa raadsanaya beesha Isaaq oo ka soo jeeda deegaanka Warsangeli waa mid ay ku egtahay shaqsigaas ama shaqsiyaadka u shaqa tagay Hargeeysa.

Ninka muuqaalka hoose ka hadlaya waxa uu aaminsanyahay in Soomaaliland ay tahay muqadas. Yeey muqadas u tahay? Taasi dabcan annaga ma ahan kuwa aaminsan.

Kaba soo qaad in la yiraahdo Warsangeli wuxuu ka mid yahay maamulka Hargeeysa, balse sidee qof damiir leh uu ku oggolaan karaa in hal beeyl ay tiraahdo wax kasta waa xageena caasimadii, xisbiyadii, wasiiradii muhiimka ahaa, taliyayaashii ciidanka oo dhan, iyo waxii kalle oo dhan.

Marka waxaan leenahay kuwa la jooga beesha Isaaq ineeysan wax waqti ah isaga lumin, aysana u calaacalin beel la mid ah. Qofka haddii uu isaga jeebka wax kaaga soo saaro wuxuu ku siinayaa wasiir yar oo caata ah ama agaasime yar oo magac u yaal ah  illeen qofkii waxba ma aydaan wada dhisan.

Balse haddii qofka aad wax wada dhisateen waxaad oraneesa kulla miiska halla soo dhigo wixii la qeeybsanayo hanna loo qeeybsado si siman. Marka waxaan leenahay shaqsiyaadka la jooga beesha Isaaq fadlan haku ciyaarina sharafta Warsangeli illeen dadkii baad ka dhigeeysaan waxaan jirinee.

Beesha Isaaq iyada ayaa ah midda Soomaaliweeyn wax ka tirsaneeysa, waana midda dooneeysa ineey goosato;

Sidaa darteen, wax ka quseeyaa ma jiraan wada hadalka lala gallayo beesha Isaaq beelaha Warsangelli, Gudibiirse iyo Dhulbahante oo ah dhamaantood dad aaminsan inaan Soomaaliya la kalla gooyn.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*