26th April 2024  admin  Category :

Idaajaa oo xaflad aad loo soo agaasimay loogu qabtay Toronto, Canada

Aabaha dhaqanka Soomaaliyeed, qoraaga caanka ah, ahna khabiirka taariikhda Soomaaliyeed   Axmed Faarax Cali  oo loo yaqaano Idaajaa,  ayaa Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka muuqatay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxa loogu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada,

Dhalinyaro aad u qurxoon oo ku labisan dharka  Soomaalidu  dhaqanka iyo   hidaha u leeyihiin ayaa ka hor khudbaddii Khabiir Idaajaa waxay dhigeen wacdaro uu sacabku is  qabsaday, dadkuna ay wada jeclaysteeen

Maxamed Munye Qaasim , oo ah Macalin  Jaamacdeed  oo wax ka dhiga Jamaacadaha waqooyiga Amerika,    had iyo jeerna daadihiya ama qaban qaabiyaha xafladaha lagu dhigayo magac Soomaaliyeed   iyo qofka Soomaali dhxedeeda magac ku leh oo xaflad loogu qabanayo waqooyi America, ayaa aad uga sheekeeyey taariikhda Axmed Faarax Cali  Idaajaa, dadkuna sida muuqatay ay dhegaha u wada taagayeen, sawaxankuna uu ad  yaraaday intuu Macalinku waday taariikhda khabiirka

Sidoo kale waxa xafladda khudbad ka jeedisey wasiirkii hore ee hidaha iyo tacliinta sare ee dawladdii kacaanka Faadumo Axmed Caalim Cureejo iyo xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed ee hadda jooga    Axmed Cali Daahir.

Intaa ka dib waxa cod baahiyaha lagu soo dhoweeyey Axmed Faarax cali Idaajaa, oo ka hadlay dhaqankii Soomaaliyeed xilliyadii uu soo maray iyo gabayadii laga tiriyey  Jacaylka Geela, Bakhaylnimada, guurka, Dumaasha, xigsiimada, sarbeebta, sida geela loo kal dhici jiray, heesta Ducaysane macnaha ay xambaarsan tahay, hees ay Mooryaantu Muqdisho ka tiriyeen  1992 oo lid ku ahayd  ducaysane, oo odayga wiilka dhalay uu kula dardaarmayo wiilkiisa Mooryaanimo  gabaygii aan ooyee albaabka ii xira sida uu ku baxay. Khabiir Idaajaa wuxuu sheegay in Soomaalidii hore ay dumarka ula dhaqmi jireen

Ugu danbayntii Aabaha dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ku soo gebagebeeyey in  Qof Soomaaliyeed oo magac Soomaaliyeed ku gabya, oo ka gudbay qabiil  ama dad aan isku qabiil ahayn ku hogaamiya mgac Soomaaliyeed  uu ugu horeeyey Allah ha u naxariistee Sayid maxamed Cabdula Xasan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*