
17th July 2026 admin Category :
Sababta magaca madaxweyne Trump looga fujiyay xarun dhaqan oo caana ah oo Maraykanka ku taalla?
Shaqaalaha ayaa billaabay inay ka fujiyaan magaca madaxweynaha Mareykanka Donald Trump afaafka hore ee xarunta Kennedy ee magaalada Washington, maalin ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee ay maxkamadda u qabatay in meesha laga fujiyo.
Magaca madaxweynaha ayaa lagu daray magacyada ku qoran goobtaab fanka si sharci darro ah, garsoore federaal ah ayaa xukumay bishii hore, isaga oo amray in laga fujiyo ugu dambeyn Jimcaha 12 June.
Shaqaaluhu waxay samaysteen biro ay ku fuulaan meesha magaca lagu dhajiyay jimcihii iyadoo dadkii aagga marayay ay ay isugu soo baxeen fiidkii halka shaqada laga waday, in kasta oo duufaanno iyo onkod ay dib u dhigeen shaqada ilaa horraantii Sabtida.
Isku daygii ugu dambeeyay ee maamulka Trump uu ku doonayay in lagu hakiyo amarka ayaa waxaa diiday garsooraha.
Kiisku waxaa uu salka ku hayay muran sharci oo ballaaran oo ku saabsan magac ka beddelka hay’adda dhaqan, kaas oo sharciga Maraykanku u aqoonsanayo in ay xasuus u tahay madaxweyne John F Kennedy.
Saacadihii hore ee Sabtida, shaqaaluhu waxay ka soo laadlaadiyeen baco dheer dhismaha dushiisa, taas oo mugdi gelisay in si rasmi loo fujinayo xarafaha magaca ee meesha lagu dhajiyay.

Qaar ka mid ah dadkii daawanayay ayaa ku dhawaaqayay “soo deji”, sida ay warbaahinta CBS ee Maraykanka taas oo gacansaar la leh BBC.
Garsooraha Maxkamadda Degmadda Mareykanka Christopher Cooper ayaa go’aamiyay dhamaadkii bishii May in goobta oo ku taal bartamaha Washington DC aan lagu magacaabi karin cid kale iyada oo aan ogolaansho laga helin Congress-ka.







