17th July 2026  admin  Category :

Adan Madoobe arintii Bililiqada Guriga wuxuu ku darsaday Khiyaano Qaran

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe, oo horay xoog uga haystay guri ay leeyihiin Qoys ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa hadda sida muuqata ku kacay khiyaano Qaran oo kula kacay Xildhibaanaddii dawladda Federaalka ee Qoyskan ku metelayey Baarlamaanka Soomaaliya/

Sida hadda soo caan baxday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Madoobe , wuxuu balan qaad ka haystay madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku heshiiyeen in Gudoomiyuhu noqon doono madaxweynaha Koonfur galbeed, haddii uuna hor istaagin wax ka bedelka Dastuurka iyo Muddo kororsi uu doonayey

Gudoomiye Aadan Madoobe waxa kale oo lagula heshiiyey inuu Madaxweyne Xasan Culusoow ka leexiyo ama ka mamnuuco inay ka soo qayb galaan Kalfadhiyada Baarlamaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka hor imanaya qorshayaasha madaxweynah ee uu ku doonayey muddo kororsiga, si arintaasi ugu hirgashina uu Dastuurka Soomaaliya wax ka bedelo..

Xildhibaanadan sida sharcidarada ah looga mamnuucay Kalafidhiyada Baarlamaanka ee sababtu ahayd heshiiskii qarsoodiga ahaa ee ay isku danaysanayeen madaxweynaha iyo Gudoomiyaha ayaa waxa ka mid ahaa heshiiskooda inXildhibaan Cali Mahdi Qalato iyo Xildhibaan Faysal Wahaabi oo laga soo kala doorto degmooyinka Badhan iyo Dhahar iyo Xildhibaano kale laga mamnuuco kalfadhiyada Baarlamaanka, sababtuna ay tahay degaanada ay ka soo jeedaan

Xildhibaanada looga mamnuucay shaqadoodii Qaran iyo tii ay ku meteleyeen Baarlamaanka Soomaaliya degaanadooda ee ah in layska leexiyo si madaxweynuhu u helo muddo kororsi iyo Gudoomiyuhuna u helo madaxweynaha Koonfur galneed ayaa ah Khiyaano Qaran oo dastuurka Soomaaliya iyo beelaha ee ahayd 4.5 lagu jebinayo

Aadan Madoobe , wuxuu noqday madaxweyne Koonfur galbeed siddii balantu ahayd, iskama casilin Gudoonkii uu Xildhibaanada kaga mamnuucay Kalfadhiyada Baarlamaanka inay ka qayb galaan , iyaga oo maqan ayuu ku fariistay Kursigii madaxweynaha ee looga xoogay madfaxweynihii hore ee Lafta Gareen

Ugu danbaynrtii heshiiskan u qarsoonaa Adan Madoobe iyo Culusoow oo ay isku danaysanyeen, jidkii loo marayna ahaa sharcki daro waa mid uu baahan in lagula xisaabtamo oo haddii Aadan Madoobe uu shalay Guri xoog ku qaatay aan maanta looga harin xildhibaanada uu xasaanadoodii ufa qaaday balan qaad uu ku noqonayo madaxweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*