26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo oo si deg deg ah ugu jawaabay reer Wardhiigleey, isaga oo ka cabsi qaba in mar kale Sawirada cusb ee maalmahan la surayey Tabeelayaasha dhulka la soo dhigo

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ka helay Villa Sardhiigleey ayaa ka jawaabay cabasho ka timid shacabka degmada Wardhiigley , kaasoo ahaa in burbur xoog leh uu ka jiro waddo muhiim ah, dadkuna ay dhibaato badan ku qabaan wadadaas.

Guddoomiye kuxigeennada Maaliyadda iyo Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Cumar Cali Cabdi oo ay wehliyeen Kusimaha Guddoomiyaha degmada ahna Guddoomiye kuxigeenka Warta Nabadda C/rashiid Ismaaciil Maxamed ayaa caawa kormeer ku tagay wadada dheer ee isku xerta xarunta Degmada Warta Nabadda iyo Isgoyska Geed Jaceyl.

Mas’uuliyiintan ayaa dhageystay tallooyinka iyo cabashada shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda, iyagoo balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si deg deg ah ugu jawaabi doonno cabashada ka timid shacabka.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorshaha ugu jiro sidii dib u dhis balaaran loogu sameen lahaa wadadaasi laamiga ah, balse inta ka horeysa ay Maamulka Gobolka ka shaqeyn doonaan sidii bulshada loogu sahli lahaa isu socodka iyo adeegsiga Wadadaasi.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii shacabka ku dhaqan degmada Wardhiigley, oo ay ku taal Villa wardhiigleey oo madaxda Soomaalida hoy u ah ay maanta cabasho xooggan ka keeneen burburka wadadaas, iyagoo ku dooday in wadadan burbursan ay u jirto Madaxtooyada wax ka yar 1KM, halkii ay aheyd in Madaxweynuhu goobta uu degan yahay wax ka qabto uu meelo kale ku mashquulsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*