28th March 2024  admin  Category :

Gudigga Sarre ee Gurmadka Fatahaada Qardho oo ka warbixiyay Xaalada Guud ee Degmada Qardho.

Gudigga Sarre ee Gurmadka Fatahaada Qardho oo ka warbixiyay Xaalada Guud ee Degmada Qardho.

Gudigha Sarre ee Gurmadka Fatahaada Magaalada Qardho ayaa caawa shir jaraaid ku qabtay Magaalada Qardho, Shirkaan oo ayaa waxaa warbixin guud kasoo jeediyay Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Gudigga Gurmada.

Wasiir Xasan Shire Abgaal ugu horayn waxa uu sheegay in lacag dhan 1 Milyan oo dollar oo loogu tala-gallay Fatahaada Qardho ay Dawlada Federaalka ah soo gaarsiisay. Wasiirku waxaa uu uga mahad-celiyay Dawlada dhexe kaalinta ay gurmadka ka gaysatay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maanta ay deeq raashin ah oo ka timmi Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe Gudiggu uua wareegay, Si guudna ay ugu mahad-celinayaan Maamulda degmooyinka iyo Shacabka Kaalinta wayn ka gaystay gurmadkaas.

Wasiir Xasan Shire waxa uu sidoo kale tilmaamey in deeqo kale ay maanta keenee Wasaarada Puntland Qaarkood, Kuwaas oo isugu jirra Biyo Nadiifah, Cunto Bisil, Bacaha Roobka iyo Bustayaasha laga dugsado dhaxanta.

Ugu danbayn Wasiirku waxa uu sheegay in 700 boqol oo qoys wejiga koowaad loo qaybin doono deeqda Dawladda soo gaartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*