26th July 2024  admin  Category :

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, waa ayo Soomaalida ay doonayaan inay sidan ku xukumaan

Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato), oo madaxweyne Farmaajo adeer u yahay ayaa markale loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib warqad ka soo baxday xafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale xil kii ka qaaday xoghayihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye oo xil kaasi hayey muddo 40 cisho ah, kadib markii la eryey Cabdirsaaq Caato oo hadane markii labaad loo soo magacaabay xil kan.

Caato oo muddo todobaad ka yar hayey xil kaasi ayaa sababta markii hore looga qaaday waxa ay aheyd xad-gudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee la eryey, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo markaasi waxaa jahwareer xoogan ka taagnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo is-bedal deg-deg ah uu ku yimid markii la riday Khayre, waxaana isla habeenkii ku simaha loo magacaabay Mahdi Guuleed uu xil kii ka qaaday Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaasi.

Sidoo kale waxaa shaqada ka tegay inta badan raggii aadka ugu dhowaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu ka mid ahaa Cali Nuur Salaad.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Cabdinuur Maxamed Axmed oo uu adeer u yahay Fahad Yasiin u magacaabay maanta Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*