26th July 2024  admin  Category :

Madaxweeynaha Maamulka Hargeeysa ayaa lagu eedeenayaa dhul boob aad u weeyn, waxaana la sheegayaa in inta badan dhulka Hargeeysa ay ku habsadeen Muuse Biixi iyo qooyskiisa. Hadaba, dhul boobka kuma eka oo kelliya Muuse Biixi iyo reerkiisa, balse madaxdii ka horeeysay ayaa iyaguna lagu eedeeyey in badan ineey iibsadeen hantidii shacabka oo ay ka tagtay dawladdii Kacaanka.

Hase ahaatee, markii dhulkii danta guud ama shacabka uu lahaa la soo dhammeestay ayaa markan waxaa loo soo jeestay hantidii gaarka loo lahaa. Mar dhawna waxaa qatar ku jira in masaajidada lagu habsado.

Su’aasha isweeydiinta leh waxeey tahay, hadii madaxweeynihii uu qeeyb ka yahay hanti boobka Hargeeysa, sidee dhul looga iibsan karaa magaalada Hargeeysa? Miyeeysan habbooneen qofka in lacagtiisa uu gashato gobolada iyo wadamada ay ka jiraan amarka iyo kalla danbeeynta?

Hadaba, odayaal Muqdisho jooga ayaa ka mid ah dadka ka cabanaya Muuse Biixi iyo reerkiisa, kuwaas oo laga dhacay dhul ay Hargeeysa ka iibsadeen.


CABASHOOYIN HORE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*