28th March 2024  admin  Category :

“Qofkii soo sheega baabuur qarax ah waxaa lagu abaal marin doonaa Boqol kun oo dollar”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa ku celiyay hadal uu ka dhawaajiyay intii uu ololaha doorashada ku jiray, kaasoo ahaa in qofkii soo sheega baabuur qarax ay abaal marin la siin doono.
Madaxweyne Farmaajo oo caawa isbitaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay Suuq ku yaalla degmada Wada-jir ayaa sheegay in dowladda ay wax u qaban doonto, gaar ahaan dadka dhaawacyadooda liita loo qaadi doono dalka dibadiisa.
“Dadka ay dhaawacyadooda daran yihiin dowladda waxay u qaadi doontaa dalka dibadiisa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay yihiin kuwo cadaw ku ah shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday in qofkii soo sheega baabuur qarax la siin doono abaal marin gaareysa boqol kun oo doollar.
Hadalkan ayuu Madaxweynuhu horay ugu dhawaaqay, xilligii uu ololaha ku jiray, gaar ahaan markii uu khudbad ka hor-jeedinayay Baarlamaanka, isagoo xilligaas balan qaaday in dadkii ku waxyeelooba weerarada argagixisada ay daweyn doonaan, hantidii ku bur burtana ay dowladda dhisi doonto, sidoo kale cidii baabuur qarax sheegta la abaal marin doono.
Dhinaca kale Taliyaha NISA Jen. C/llaahi Gaafow ayaa isna balan qaaday in qofkii soo sheega kooxaha weerarada ka geysanaya in la siin doono abaal marin dhan $10,ooo (Toban kun oo dollar).
Illaa 30 ruux ayaa ku geeriyootay qarax loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta duhurkii ka dhacay suuq ku yaalla degmada Wadajir oo lagu magacaabo kaawa-godey, xilliga qaraxa dhacayay ayaa suuqa waxaa uu ahaa mid mashquul ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*