26th July 2024  admin  Category :

Kullan Dhex Maray Beesha Mudulood iyo madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Kullan albaabada u xiran la qaatay Xildhibaanada labada Gole iyo duubabka dhaqanka beesha Mudullood ka soo jeeda.
Ugu Horeyn Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudullood ayaa Farmaajo’ U sheegay in aay sugaayan in u ka dhabeeyo balantii aay wada galeen oo aheyd in Hadii dalku Isbadal ka dhaco la siiyo beesha Muddulood xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Mid ka mid ah Odayaashii u tagay Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay websityada beelaha Mudulood , ayaa sheegay in Odayaasha Si cad Ugu Sheegeen’ Madaxweyne Farmaajo in hadii Xilkaasi waayso Beesha Mudullood Xukumadiisa aynaan la shaqeyn doonin.
Xildhibaanada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odayaasha Beesha Muddulood ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo ku lahaa Magaalada Muqdisho, waxaana beesha ay dalbaneysay in la siiyo xilka Ra’iisul Wasaaraha, maadaama horay beesha uga tanaasushay xilal badan, markii ay hayeen xilka Madaxweynaha Soomaaliya.


Lama Ogo Go’aanka u qaadan Doono Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya’ Farmaajo waloow Siyaasiyiin U Badan Beesha Habar gidir Xilkaasi la doonayaan Dr Cabdi Naasir Cabdulle Jaamac oo u dhashay Beesha Habar gidir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*