18th April 2024  admin  Category :

Reer Columbus oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda

Soomaali badan  ayaa soo buuxdhaafiyay goob lagu qabanayay xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ayaa qaar kamid ah ka soo qeybgalaaasha oo ka yimid gobolo kala duwan oo gudaha dalka Mareykanka, waxa ay si wada jir ah u muujiyeen dareenkooda ku aadan isbadalka Dalka iyo sida ay ugu faraxsanyihiin.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee xilligan iyo kuwii hore ayaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xafladda, waxa ayna ka soo jeediyeen hadalo aad u qiimo badan oo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalinta qurba joogtu ka cayaari karto isbadalka wadanku galay.

Dhinacyada Maalgashiga, Siyaasada, Caafimaadka, Waxbarashada, Abuurista Xirfado iyo waxyaabo badan oo aasaasi u ah bulshada ayay Xildhibaanadu ka codsadeen qurba joogta in ay dalka ku soo biiriyaan, ayaga oo u mahadceliyay qurba joog badan oo aqoontooda iyo hantidooda dalka geeyay isbadalna abuuray.

  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*