26th July 2024  admin  Category :

Waxaad tihiin dal madax bannaan, baasaboorkiisa iyo lacagtiisa leh oo la mid ah dalalka caalamka. Halkudhigaas waa mid ay inta badan adeegsadaan siyaasiyiinta maamulka Hargeeysa, siyaasadda lagu maamulo maamulka Hargeeysana waa mid hal dhinac oo kalliya u socota oo aan laheen waddo kalle oo loo qaado iyo isbeddel toona.

Muddo lix iyo labaantan sanno ah ayaa la raadinayey aqoonsi, aqoonsigiina waa mid adduunka oo dhan ka iibsami waayey, manna jiro xitaa hal wadan oo soo dhaweeyey kalla gooynta dalka Soomaaliya. Hadaba iyadoo arrimahaas oo dhan ay jiraan ayaa haddana siyaasiyiinta Hargeeysa waxaa ay door bideen in arrinta ay sidaa ahaato oo aan waxba laga bedellin, waayoo ah waxeey meeshii noqotay meel ay ku shaqeeystaan shaqsiyaad gaar ah.

Inta badan siyaasiyiinta dadkooda ka naxaya waa kuwa dadkooda runta u sheega oo yiraahda weey noo socon waayeen wixii aan filleeynay, marka maxaa uu noqonaya dariiqa labaad ee i noo furan, ama dariiqa seddexaad, balse in lix iyo labaatan sanno shacab masaakiin ah meel lagu xirro waa arrin aad qatar u ah.

Daacad darrada siyaasiyiinta Hargeeysana waa midda kalliftay inaan shacabka loo sheegin wax run ah haba yaraatee, balse loo badiyo beenta si maalmo ay meesha ugu sii shaaheeyaan. Tusaale, waxaa intii uu safarka ku joogay maalmahan dalka Sucuudiga Madaxweeynaha DF ee Soomaaliya, Maxamed Ca/laahi Farmaajo, isku dayey ineey la kulmaan qaar ka mid ah wasiirada maamulka Hargeeysa, iyagoo doonaya ineey kalla hadlaan saldhiga ciidan ee dawladda Imaaraadka ay ka sameeysanayaan magaalada Berbera. Siyaasiyiinta aan nixin ayaa dhinac waxeey doonayaan in dawladda Soomaaliya ay saxiixyada ka soo qaataan, meesha dhinaca kalle ay u sheegayaan shacabka ineey yihiin dal madax bannaan.

Sidoo kalle, waxaa maalin dhaweeyd isna waraaq u qoray Madaxweeynaha Mareeykanka Donald Trump wasiirka arrimaha dibedda ee maamulka Hargeeysa, waraqaddaas ayuu kagga codsanayey wasiirka in haddeey Soomaaliland yihiin laga qaado xayiraada Mareeykanka ay ku soo rogtay toddobo dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya, balse iyagu maadaama ay yihiin dal madax bannaan oo la yiraah Soomaaliland laga qaado xayiraada. Siyaasiyiinta Hargeeysa weey ogyihiin in warqadooda qashinka lagu darayo, laakiin waxeey doonayaan in shacabka masaakiinta ah ay sii lugooyaan.

Hadaan dib ugu raacno aasaaskii SNMna waa mid ay ka danbeeyeen siyaasiyiin maanta joogta oo xillalka ka waayey dawladdii Kacaanka xilligeedii, markaa ka dibna door biday ineey soo aas-aasan jabhad, iyagoo adeegsanaya shaatiga qabiilka si shacabka ay u kiciyaan. Waxaa is weeydiin leh haddii siyaasiyiinta soo aas-aastay SNM ay daacad ahaayeen maxaa keenay maanta ineey boobaan oo iibsadaan inta badan hantidii shacabka uu lahaa oo ay ka tagatay dawladdii Kacaanka.

Gabagabadii Shacbka beesha Isaaq waxaa la gudboon inaan waqti danbe laga lumin oo aysan ka lumin siyaasiyiinta aan nixin ee calooshood u shaqeeystayaasha ah kuwaas oo waxqabadkoodiina uu ku soo ururay been iyo riwaayadeen, balse ay dhinac ka soo raacaan wallaalahood Soomaaliyeed.

https://youtu.be/QVX67i8GKok

https://youtu.be/4vkBMRk-yC8

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*