10th May 2024  admin  Category :

R/W Xamse oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xaflad soo dhaweyn ah ku maamuusay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo Muqdisho soo gaartay.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka , Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka , Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda.

Dhamaan intii ka hadashay madasha ayaa si wadajir u qiray in Ilhaan Cumar ay door muuqdo ka qaadato horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*