20th May 2024  admin  Category :

Mareykanka iyo Canada oo ay qabow ugu dhinteen ku dhawaad 38 qof

Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ciidda masiixiyiinta ee kirismaska ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen ilaa iyo dhowr iyo soddon qof.

In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa wajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay wajahayaan koronto la’aan.

Ciidaamda ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan.

Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan aysan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda.

https://youtu.be/RqDyhurlARQ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*