18th April 2024  admin  Category :

Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirka Cafimaadka Turkiga oo kulmay.

Bulshada Caalamka ayaa la tacaalaysa sidii looga hortegi lahaa Cudarka ka dilaacay dalka Shinaha Coronavirus siddii uuna uga faafin lahayn caalamaka intiisa kale.

Madaxweyne Farmaajo Xaaskiisa oo ay weheliso Ina Xaashi Weheliye ahyaa u diray dalka Turkiga si ay ula kulmaan wasaaradda caafimaadka dalkaas, su

Marwada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saynab Cabdi Macallim oo gaartay dalka Turkiga, ayaa magaalada Ankara kulan kula qaadatay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Dr. Fakhrudiin Koojan iyo madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA.

Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Turkiga iyo Xaaska Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Xarumo Caafimaad [MCH] Kuwaas oo Xaaska Farmaajo ay ka dhisayso Caasimadda Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale xaaska madaxweyne Farmaajo Saynab Cabdi Macallim ayaa kulan gaar ah  la qaadatay  Madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA oo dowladda Turkiga u qaabilsan Horumarinta iyo Mashaariicda laga fuliyo magaalada Muqdisho iyo Cisbitaal laga dhisayo degmada Dayniile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*