26th July 2024  admin  Category :

Qoys  dhowaan is guursaday oo ka soo jeeda dalka Masar, ayaa gabadhii aroosadda ahayd intay maxkamad tagtay  waxay Qaadigii  u sheegtay inay iska furayso ninkedaa.

Qoyskan oo is qabay afartan cisho oo markii hore  laysku daray, ayaa intay is qabeen waxay ahaayeen kuwo aan guriga ka soo bixin, sababtoo ah ninka oo aan jeclayn inay lacagi ka baxdo.

Maalintii ugu horaysay uu xaaskiisa cusub u sheegay inay  maanta banaanka casiir u doonnayaan,  ayaa markii ay yimaadeen magaaxida laga cuno shawarmaha oo ay ka  dalbadeen Casiirka la Cabo, waxay  xaaskiisu ka codsatay  inuu ugu daro Shawarma ay cunto.

Ninkii qabadha qabay oo maqaaxida keenay wuu ka diiday isaga oo u sheegay inay halkan  u yimaadeen inay cabitaan oo qura cabaan  . Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey xaaskiisa inay doonayso inay hantidiisa wax u dhinto iyada oo ku  khasbaysa inuu Shawarrma u gado ka dib markii ay Casiir cabeen.

” Gabdhan oo magaceeda lagu magcaabay Sameeha aya laga soo xigtay . Todobaadkii ugu horeeyey guurkooda , inuu ninkeedu u  sheegay inuu neceb yahay inuu banaanka aado sababtoo ah lacag  uun baa  kaa baxaysa oo guriga oo laga baxaa waa kharash badan yahay

Sameeha, hadda waa ka carartay ninkeeda, waxayna la nooshahay qoyskeeda waxaana u socda warqaddii ay isaga furi lahayd ninkeeda gacanta adag

 

Nyc Slice GIF by F*CK, THAT'S DELICIOUS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*