26th July 2024  admin  Category :

Qorshaha Irir Samaale kaga faa,iidaysanayaan Farmaajo oo rajo beel ah aadna ugu caraysan maamulka Puntland

Waxaa soo shaac baxaya qorshe in muddo ah la qarinayey oo u ku saabsan midoow ku sheeg cusub oo dhex maraya Soomaaliya iyo beesha Isaaq , kaasoo uu riixayo Mareykanka.

Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah Midowga Afrika, Midowga Yurub, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana ujeedku yahay in la helo qorshe ay dib hal Dal u noqon karaan Soomaaliya iyo Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland, waxaana madaxweyne noqonaya Madaxweyne ka socda Somalilnad (Muuse Biixi) iyo Ra’iisal Wasaare ka so jeeda beelha Hawiye

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qorshahan bilaabay, kadib kulankii uu isugu keenay Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa hadda xilka ku wareejiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo lagu wado inay magaalada Jabuuti isugu tagaan toddobaadka socda wufuud kala duwan oo culus.

Waxaa magaalada Jabuuti tegi doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi culus oo la socda, iyadoo ay sidoo kale qeyb ka yihiin Dalal fara badan iyo Midowga Afrika.

Haddii qorshahan lagu guuleysto waxaa la filayaa inuu xilka iska casilo Madaxweyne Farmaajo oo bilo dhowr ah xilka uga haray, waxaana muddo ilaa 2 sano ah la dhisi doonaa xukuumad uu madaxweyne ka yahay hogaamiyaha beelaha Isaaq, isaga oo beelaha Hawiye ka soo dhex dooran doona R’asiul wasaare

One thought on “Qorshaha Irir Samaale ee Jabuuti

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*