28th March 2024  admin  Category :

Kaligii taliyaha Jabuuti abuuti oo war ka soo saaray kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi

Kaligii taliyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in maalinta berri uu shir guddoomin doono shir u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, kaasoo ka dhici doona dalka Jabuuti.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku xaqiijiyay kulankaas oo qeyb ka ah wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jiray.

kaligii taliye Geelle ayaa sheegay inuu shirka ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka soo qeyb geli doona.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa berri ka dhoofaya Muqdisho si ay uga qeyb galaan wada hadalka.

Wada hadalada ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana la qorsheeynayaa inuu xoojin u noqdo Mashruuca uu horboodayo Abiy Ahmed ee ah is dhex galka dalalka Geeska Afrika.

Bishii Febraayo ee sanadkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xafiiskiisa ku kulansiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasoo ahaa kulankiibu horreeyay ee fool ka fool u yeeshaan labada Mas’uul.

Hase ahaatee waxaa suura geli waayay qorshe uu waday Abiy Ahmed oo ahaa in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo oo wada socda inay ka dagaan magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee dadka odorasa arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa aaminsan in kulankan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay wajahayaan xaalada siyaasadeed oo gudaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*