7th May 2024  admin  Category :

Qodobbadii ay Farmaajo iyo Uhuru ku kala tageen ee hor yaalla Xasan Sheekh

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay maanta booqasho rasmi ah uga billaabatay dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyata.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sanadihii la soo dhaafay hareeyay khilaaf ka dhashay arrimo kala duwan, iyadoo hadda isha si gaar ah loogu hayo in labada dhinac ay heshiis ka gaaraan arrimo uu ku jiro ganacsiga qaadka.

Dowladdii hore ee Soomaaliya ee uu hoggaaminyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dolwadda Uhuru Kenyatta waxaa dhex taallay xurguf diblomaasiyeed oo horseedday in labada dal ay u yeertaan danjireyaashooda.

Dowladda haatan ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya inay wax badan ka beddesho xiriirka labada dal.

Markii la doortay Xasan Sheekh ayaa waxaa durbadiiba soo baxday inuu Kenya u oggolaanayo in duullimaadyadii qaadka ee Soomaaliya ee la joojiyay dib loo furi doono, inkastoo Soomaaliya ay iyadana sharuudo ku xirtay in ay taasi dhacdo.

Haddaba Maxay yihiin qodobbada madaxweyne Xasan horyaalla ee Kenya ay dooneyso in dib loo hagaajiyo si xiriirka labada dal uu caadi ugu soo noqdo?

1: Qaadka

Jaadka

Ganacsiga Jaadka waxaa horay loo joojiyay dhowr goor, waxaana ka mid ahayd sanadkii 2016-kii, kaddib xurguf diblomaasiyadeed oo soo kala dhexgashay labada dal.

Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada jaadka ee Kenya oo sheegay in ay khasaareen lacag aad u badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sanadkii hore ee 2021 amartay in la hakiyo duulimaadyada rakaabka ee Kenya ka imaan jiray iyo qaadka, taasoo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynayay faafitaanka fayraska Koroona. Tan iyo markaas dowladda ayaa dib u fasaxday duullimaadyada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, balse xayiraadda qaadka ayaa wali taagan.

Ganacsiga jaadka ayaa u dhigma malaayiin doollar, iyadoo ganacsatada jaadka ee Kenya ay sheegeen in khasaare badan uu ka soo gaaray xayiraadda.

Qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo wuxuu xilligan ka yimaadaa Itoobiya.

2: Diblomaasiyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya. War qoraal ahaa oo 29-kii bishii November 2021 ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliyana lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax-bannaanideeda, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya ay si bareer ah ay u faragalinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in faragelin ay ku haysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo arrintaas ka hadlayay xilligaas ayaa wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi u sheegay in xukuumadda Kenya ay ka xun tahay go’aanka Soomaaliya ay ugu yeeratay safiirkeeda. Wuxuu ballan-qaaday in labada dal ay arrintan si diblomaasiyad ku saleysan uga wada xaajoon doonaan.

3: Qadiyadda Somaliland 

Uhuru iyo Biixi

Bishii Juun 14-keedii waxaa dhacday in Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay danjieyaasha uu fadhigooda yahay dalka Kenya, kaddib markii uu kulankaas ku arkay masuuliyiin matalayay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

War ay markaas kaddib soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay si ula-kac ah u martiqaadday qof ka socday Somaliland oo qoraal ka soo baxay safaaradda uu ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay sharraxaad ka bixiso xagudub ay sheegtay in loo geysatay madaxbannaanida Soomaaliya, kaas oo ka yimid Jamhuuriyadda Kenya sida uu qoraalkaasi xusay. 

Dhinaca kale, war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa markaas lagu sheegay inay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo jiritaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Waxay sheegtay inay ka ‘qoomamaneyso calanka Somaliland ee sida qaldan uga soo muuqaday shirkii diblumaasiyadda’ ee ka dhacay Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay sidoo kale xustay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay arrintaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Soomaliland ayaa dhankeeda waxay ku sheegtay in ay ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, kaas oo ka baxay shirka shalay.

4: Murankii Badda

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sanadkii 2014 ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka (ICJ), dacwad ka dhan ah Kenya.

Ugu dambeyn Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu uu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa bishii Octobar 2021 soo saartay go’aan ku aaddan dacwaddii ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda, kana dhan ahayd sheegashadii Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dhul badeedka inta badan u xukuntay Soomaaliya. Kenya ayaase ku gacan-seyrtay go’aanka maxkamadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*