30th September 2022  admin  Category :

Muqdisho, Luulyo 15. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya, iyadoo la soo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaandoonta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan waxsoosaarka kalluunka dalkeenna, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

May be an image of 9 people, people sitting and people standing

2 thoughts on “MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WADAHADALLO MIRO DHAL AH LA YEESHAY DHIGGIISA DALKA KENYA

  1. Hassan Shiekh

    Hassan Shiekh is a thief. and has been thief since 1990. Hassan Shiekh and Hawiye tribe in Muqdisho, stole the assets of Somalia regions like Sh/hoose, Sh/dhexe, Hiiraan and created ashbaab within Shiekh Sharief, Hoodhihoodhi.

    other regions like Bay, Bakool and J/dhexe, so Somalia will never know the truth of thier country with its own history.

    Reply
  2. Hassan Shiekh

    Hassan Shiekh, ma barataan,waxuu qabaa cudurka Huudhihuudhi.
    Xanuunka feejignaanta la’aanta.
    Protocol Dowladeed, Hassan Shiekh Kalimaanta.

    Hassan Shiekh waxaa shaqaale ahaan ka shaqeyayey waqtigiidowladii Siyaad Bare barashada macalin ahaan ayaa si degdega loogu taba barey. Maskaxdiisa waxa kale ma oga in wax looyeeriyo maahee.

    Ta kale 1990 dagaaladii sokeeye waxuu ka ahay qeyb weyn, beer diyo aseendooyinka qaranka Sh/hoose, Sh/dhexe, Hiiraan, Bay iyo hantidii qaranka dadka ku habsadey ayuu kalimaanta ka mid yahey.

    Hassan Shiekh waa jeebka laaluush musuqmaasuq awoowgii, warkaleba looma sheegin.

    Muqdisho kolkuu imaado waxaa taabacsan oo dhan waa hawiye mooriyaan abayaasha musuqa jeebsiibka oo dhan.

    Dowlada warkan ma yaqaan, nin xaaran cuney hadana xaaraantii wali cunaya waxba kaama maqlayo.

    Hawiye dhamaantoodna waxey cunayeen hantidii qaranka 32 sano

    Waa masiibo Somali weyn ku habsatey.

    Lama yaqaan si wax la yellow.

    Hawiye inuu hantida qaranka dhigaa oo uu u jiheystaa hal abuur waa habeenkii xalay ee tagey.

    Gobolada Puntland Jubaland iyo Koonfurgalbeed ha midoobaan.

    Ileyn Somalia waxa ku dheeley waa hawiye mooriyaan jaajuus jeebbuuxsade, sheydhaan.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*