26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow lagu soo dhaweeyay dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka deriska iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa waxaa uu casuumaad ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

https://www.bing.com/ck/a?!&&p=271272d47783e416e825b98c6ad937340d1911bda3f8a71daa1f0f809483becfJmltdHM9MTY1Nzg5OTc4NiZpZ3VpZD1kN2RmZWM2ZS1mNDRhLTRjYTYtYjViNy02NWJkNjk1MjZlNmImaW5zaWQ9NTUyOA&ptn=3&fclid=d1d1a559-0454-11ed-a04b-4e65673ed085&u=a1L3ZpZGVvcy9zZWFyY2g_cT1zYXVkaSthcmViaWErb3BlbnMrYWxqYXplcmEmZG9jaWQ9NjA3OTkzMTMxMjgwMTMzMTIzJm1pZD1GRjFFNjM3MkIyRkEyMzFBQUI2M0ZGMUU2MzcyQjJGQTIzMUFBQjYzJnZpZXc9ZGV0YWlsJkZPUk09VklSRQ&ntb=1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*