26th March 2024  admin  Category :

(RDaljir) Naftii halige isasoo miidaamyey ayaa isku qarxiyey baabuur ay saaraayeen masuuliyiin isugu jira siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal deegaanka ah.

Waxaa loo malaynayaa in bartilmaameedku ahaa masuuliyiinta baabuurka saaraa oo kala ah:

  1. Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arimaha siyaasada uu kala talin jirey,
  2. Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee armaha gudaha Khaatumo iyo
  3. Col Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Cayn.

Baabuurka ayuu is-hortaagey naftihalligaha qaraxa fuliyey, kadibna baabuurka ayaa istaagey, sidaas ayuuna isugu qarxiyey baabuurka.

Khaasare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey geerida AUN Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman) iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo soo noqday wasiirkii arimaha gudaha Khaatumo.

Waxaa la helay maydka qofka loo malaynayo in uu isqarxiyey oo wajigiisu badqabo, halka jidhkiisa kale googo’ay walina ma jirto cid aqoonsatay qofka uu yahay wajigan la helay ee qofka wax qarxiyey.

Waxaa dhaawac sahlan uu soo gaarey Yuusuf Cismaan Baxnaan (Dhagcas) oo kamid ah odayaasha deegaanka sida weyn looga yaqaano, iyo Col Cabdiraxmaan Afweyne oo isagu dhaawac sahlan qaba. Darawalkii baabuurka masuuliyiinta waday ayaa asna badqaba.

Buuhoode loogama baran falalka noocan ah bulshada ayayna anfariir ku noqotay dhacdadan aadka looga naxay. Waxaa ay kumanaan qof buuxdhaafiyeen meesha qaraxu ka dhacay iyada oo markii danbe ciidamada ammaanku ay rasaas ku kala didiyeen dadka meesha isa soo dhoobay.

Khadar Cawl Ismaaciil

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*