
21st January 2026 admin Category :
Ganacsade Cabdinaasir Cali Adoon oo ay qaraabo dhow yihiin Madaxweyne Xasan uuna Maraykanku saaray cunaqabatayn ayaa leh qayb ka mid ah hubka saaran markabka Sea World ee Puntland gacanta ku hayso, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xogogaal ah.
Adoon oo malaayiin doolar ku bixiyey doorashadii Xasan ayuu Madaxweynuhu abaal gud uga dhigay dhul dowladu lahayd iyo inuu bixiyo ruqsada maraakiibta shisheeye kaga kaluumaystaan badda Soomaaliya.
Maamulka Xasan wuxu kale oo uu fududeeyey soo iibinta iyo daabulka hub geli kara gacmo halis ah taas oo dhaawac ku ah dadaalada caalamku ugu jiro sidii Soomaaliya uga soo kaban lahayd degenaansho la‘aanta.
Dowlada Federaalku waxay si khaldan u isticmaalaysaa go‘aankii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaga qaaday cunaqabataynta hubka iyadoo halkii ay ka hubayn lahayd ciidanka xooga bilowday inay u fududayso ganacsada soo iibsashada hub bilaa sharci ah.







