16th November 2025  admin  Category :

Madaxweyne Culusoow oo doonaya 45 Xildhibaan Khaatumo iyo 34 reer maakhir,

Maamulkii khasabka ahaa ee dawladda federaalku gadaal ka riixaysay ee la doonayey in maamul loogu sameeyo gobolada Sanaag iyo Sool , oo dhamaan Isimada Warsangeli iyo waxgaradkoodu diideen inay ka soo qaayb galaan, hase ahaatee taas bedelkeeda ay dawladda Federaalku soo ururisay siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaal ah oo ka soo jeeda sanaag , oo aan dan ka lahayn degaan iyo dad toona si ay saxiix uga helaan

Qodobkii ugu danbeeyey ee la rabay in Calooshood u shaqaystaasha reer Sanaag saxiixaan ayaa ahaaa inay beel ahaan uga qaataan 34 xildhibaan 79ka xildhibaan ee madaxweyne Culusoow u qoondeeyey maamulka cusub, halka beesha reer Khaatumana ay helayaan 45.

Qodobkan ay ku qaadanayaan 34 Xildhibaan marka laga teebo calooshood u shaqaystayaasha Sanaag waxay ogolaadee:

1- Siyaasiyiinta Dhulbahante kuma tanasulin astaantii Ina cabdale Xasan, uu uu horay u diiday Garaad Maxamuud cali , 80 sano ka dibna uu Maxamuud Siciid Gacamey uu ka diiday Allah u naxariistee intii dhimatay Ammed Saleebaan.

2- Siyaasiyiinta Dhulbahante kama tanaasulin caasimaddaii

3- siayaasiyiinta Khaatumo iyagaa qabanaya Madaxweynaha ,oo waa Fiedhiye.

4- Siyaasiyiinta Khaatumo, Ogayslabe iyo Fiqi shin, Fiqi Shini ayeey doonayaan inay noqdaan gudoomiyaha Baarlamaanka. Sababtoo ah waxay ka mid tahay shuruudaha baarlamaanka ee Hawiyuhu ku xireen

5-Xildhibaanadu waa 79, afartan iyo dhowr khaatumaa qaadanaysa.

6 Astaanku waa tii Khaatumo

7- Dastuurku waa Kii Khaatumo.

Sida sawirka aad uga jeedaan maamulkii Khaatumo ayaa la dhamaystirayaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*