
24th January 2026 admin Category :
Maamul leh astaan aan la aaqoon ayaan looga dhawaaqay magaalada laascaanood ee Gobolka Sool.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Culusoow ayaan ku guulaystay maamulkii uu doonayey inuu ku kala qaybiyo bulshada Puntland, maamulkaas ayaan maanta looga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Maamulkan ayaan sida la sheegtay loo sameeyey gobolada Sanaag iyo Sool, hase ahaatee siyasiyiinta Khaatumo oo madaxweyne Culusoow kala shaqaynayey sidii Puntland loo bur burinta lahaa, ayaa loogu abaal guday, Caasimaddii Maamulka, calankii, astaantii iyo sida la sheegtay madaxweynaha ugu horeeyaan ee maamulku yeelanayo.
Dhanka Gobolka Sanaag, isimaddii iyo waxgaradkii Warsangeli midna kama soo qayb gelin maamulkan la sheegtayin loo samaynayo goboladooda, hase waxaan la soo ururiyey dad degaanka u dhashay si looga helo shaanbad Maamulka lagu qurxista.
Ninkii ugu haboonaa ee Maamulka lagu quruxsan lahaana wuxuuba noqday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Punt;and Cabdirashiid iyo labo Milxiis oo galbinaya oo midkood Koox Xasan Culusoow iyo Khaatumo u caleemo saareen garaad Warsangeli oo lagu magcaabo Cabdikariim Cali
Siyaasiyiinta Khaatuma iyo isimaduba waa ogyihiin in wax garadkii iyo isimaddii Warsangeli ayna joogin Shirka ka socda Laascaanood, oo dadka meesha marayaa ayna cid metelin. Inrii ay raadin lahaayeen ayaan Firdhiye iyo Isimada qaarkood oo raali gelinaya ururka Hawiye Action Group, waxayna yiraahdeen Warsangeli loo joojin maayo, oo Suldaankii iyo sadexda xabo ayaan maqan.
Gurigii lagu shirayey waa Kane ma kula tahay in Warsangeli halkan ku dhan yahay sida ay Isimada Khatumo sheegeen

Waa warqaddii Maamulka Xasan Culusoow lagu aqoonsanay oo saxiixa lahayn iyo xafiis ay ka soo baxday








