29th April 2024  admin  Category :

Taliyihii reer ahaanta Muqisho uga tarxiiay Soomaaliga kale ayaa madaxweyne Xasan Culusow arintaas ku abaal mariyey.

Xamda, oo ah taliyaha Ciidanka beelaysan ee NISA ee Garoonka Aadan Cade oo Soomaaliya ka tarxiishay Muwaadin Soomaliyeed ayaa abaal marin kaga heshay madaxweynaha.

MAQAAL HORE

Yaa Soomaali ah, yaase xaq u leh inuu Soomaali kale ka musaafuriyo Somaaliya

Maalintii Axadda ee la soo dhaafay ayaa Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee u badan beesha Hawiye, madaxna uu ka yahay Mahad Salaad waxay huteel ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku xannibtay weriye Jamaal Cismaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 News ee fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska.

Dhowr saacadood kadib ayaa mid ka mid ah taliyeyaasha NISA ee u badan beesha Hawiye intuu khadka taleefanka kala hadlay, u sheegay in sababta ay u xannibeen ay tahay maaddaama uu bartamihii sanadkaan barnaamij ka soo sameeyay Ururka al-Shabaab, wareysina la yeeshay madaxa Amniyaatka kooxda, Mahad Karatee.

Sarkaalka NISA eeu u badan halka beel, madaxdna uu ka yahay Mahad Salaad ayaa si kooban ugu sheegay Jamaal : “Haddii aad sameyso sheekooyin aan dhibsanno – waxaad mari doontaan cawaaqibkeeda. Waxa ku qoran warqadaha [sharciga] muhiim ma ahan”. 

Saacado ka dib dhalinyaraddii Hawiye ee Garoonka Adan Cade ku sugnaa , ayaa dalka Soomaaliya ka musaafuriyey Jamaal iyaga oo aan Maxkamad hor keenin, waxayna u musaafiriyeen dalka Ingiriiska

Tafishanka uu u shaqeeyo Weriye Jamaal, wuxuu ka mid yahay kuwa loogu daawasho badan yahay Caalamka, kana howl gala Dalka Ingiriiska oo ah dal uu sharcigu ka shaqeeyo, leh nidaam , kala danbayn iyo Cadaalad, oo Wiil Soomaaliyeed oo Muslim ah fursad u siiyey inuu xirfaddiisa iyo aqoontiisa ku shaqaysto, halka NISA tahay Guri uu reer gaar u leeyahay oo ayna caddaaladi ka jirin

Sababaha uu Dastuurku Soomaaliya u dhamaystirmi waayey sanadaha, waxa ka mid ah in qayb ka mid ah Soomaaliya ay diidan yihiin in beelo ka mid ah Soomaaliya ay yihiin Soomaalii, Waxayna u badan yihiin siyasiyiinta Hawiye. Waxa mudan inaan laga aamusin oo ay tahay wax aan la qaadan karin in afar wiil oo ka soo jeeda beeshaas, oo ka amar qaata Mahad Salaad, kuna sugan Garoonka Aadan Cade inay Qof Soomaaliyeed oo ka mid ah kuway lahaayeen Soomaali maaha inay iyagoo maxkamad ku soo taagin denbigii uu galay ay Dalkiisii hooyo ka musaafuriyaan.

Ugu danbayntii in Dhuusamareeb iyo Muqdisho ay ku yaaliin dugsiyo lagu sheegay in lagu dhaqan celiyo Alshabaabka, si ay uga mid noqdaan madaxda iyo saraakiisha ciidanka Soomaaliya , oo kuwa tababarka siinayaa ay yihiin kuwii ka soo horeeyey ee horay uga soo baxay alshababka markii Mahad Salaad xilka loo magcaabay inay maanta sameeyaan ama ku fekeraabba in Soomaali ka soo jeeda beelaha kale Soomaaliyeed inay dalkiisa uga musaafuriyaan inuu waraysi ka qaaday Alshabaab, waxay ku tusaysaa in dalku meel madow ku sii socdo.

ALLSANAAG.COM

https://allsanaag.com/hag-ma-musaafurin-karaan-soomaali-kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*