28th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Culusoow iyo Shariif Axmed oo Nairobi lagu dhex dhexadinayo

Madaaxweyaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo meel adag ka istaagay inuu wada hadal iyo wada tashi Dastuurka ah la galo maamulka Puntland ayaa Dalka Kenya u tegay in lagu dhex dhexaadiyo isaga iyo siyaasiyinta Hawiye ee diidanaa sida kaligii talisnimada ah ee uu dalka ku hogaaminyo.

Caawa Guriga Macalin weli ee ku yaala Nairobi, ayaa laysugu keenay Madaxeye Culusoow iyo Shariif Axmed oo horay Soomaaliya uga soo noqday madaxweyne.

Macalin weli oo sida madaxdan la heshiisiinayo ee beesha Abgaal la beel ah ayaa la sheegay inuu isafgarad ku soo dhamaaday oo maalinta berito ahna ay bilaaban doonto kulankii siyaasiyiinta beesha Murursade,

Halka uu madaxweyne Culusoow ku shiriniyo siyaasiyiinta Hawiye dalka Kenya , si uu diidmadii Puntland diiday wax ka bedelka Dastuurka iyo rabitaanka shacabka oo yaraaday kana niyad jabay ayuu rabaa inuu diidmadaas Puntland uga dhigo mid qabiil iyo in qabyaalad laysku hayo, si uu reerkiisa uu kiciyo sida waagii hore ee uu diidanaa maamul u samaynta Jubbland.

Madaxweyaha reer ahaan ama Hawiye ahaan shirarka ugu qabanaya dalka dibadiisa wuxuu dhowaan magcaabay Cali Xoosh iyo Fartaag oo labaduba mucaarad ku ah madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntand . Sababta uu soo xushayna maaha inay Qaran wax u qabanayaan ee waa beelaha ay ka soo jeedaan oo la doonayo in laga dhigto jaran jaro lagu bur buriyp mamuladaas. Horayna uruka Hawiye Action Group waa u soo tijaabiyeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*