28th April 2024  admin  Category :

Amni xumo ka jirta Muqdisho awgeed ayaa xafiisyaddii dawlada waxa lagu wada gooyey Dhagxaan shub ah

Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay muujisay dhaq dhaqaaq , si looga hortago in weerarro argagixiso ay ka dhacaan caasimadda.

Ciidamada ammaanka ee Booliska iyo Nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyey tiradooda, waxaana si gaar ah loo adkeeyey ammaanka dhowr goobood ay ay ka mid yihiin Hoteelada ku yaalla xeebta Liido, aagga garoonka Aadan Cadde, xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyo goobo kale oo laga cabsi qabo inay weerarro ka dhacaan.

Xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mid ah goobaha laga digayo inay Shabaab weeraraan, waxaa lagu wareejiyey dhagaxaan iyo juwaano ciid ah, sidoo kale waxaa la kordhiyey ciidamada ilaaliya wasaaradda.

Sidoo kale waxay u kuur-galeen shaqooyinka ka socda xarumaha hay’adda, iyaga oo la kulmay saraakiisha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee hay’adda.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalinta berri ah la qorsheynayo inay dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo agaasimaha cusub ee ciidanka Beelaysan NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*