27th July 2024  admin  Category :

Buuraha Calmadow oo markii ugu  horaysay Jid Laami ah la dhex marnayo

Gudoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Dhedo, ayaa dhagax dhigay jid isku xidhi doona Caasimadda gobolka Bari ee Boosaaso iyo magaalada Galgala ee hoos tagta degmada Boosaaso.
Galgala, oo ka mid ah degaanada buuraha Calmadow ee hodanka ku ah kheyraadka noocyadiisa kala duwan sida beeraha, macdanka iyo dalxiiska, ayaa bulshada halkaa ku nooli  waxay dhib weyn  ku qabeen suuq gaynta kheyraadkooda ee degaanada kale ee Soomaaliya , waxayna in badan raadiyeen jid laami ah oo u fududeeya iib gaynta wax soo saarkooda.
Ciidamada difaaca Puntland ayaa qayb weyn ka qaadanaya in Galgala jid laami ah yeelato, iyaga oo taageero dhaqaalie ka helaya ha’yadda TIS+
Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa shegay in maalmaha soo socda ay howshu bilaaban doonto

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*