26th July 2024  admin  Category :

Jubaland waxa doorashada xubnaha baarlamaanka ay ka dhaceeysaa magaalooyinka Garbahaareey iyo Kismaayo, meesha Koonfur Galbeedna ay ka dhaceeyso Baraawe iyo Baydhabo; hase ahaatee, maamulka Puntland waxeey ka dhaceeysaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso. Hadaba, miyaaneey habbooneen in magaalooyinka doorashada baarlamaanka Puntland ee federaalka ay ka dhacaan magaalooyinka Garoowe iyo Taleex, ama Garoowe iyo Goldogob, ama Garoowe iyo Badhan ama Dhahar?

Hadii la yiri Garoowe oo caasimadii ah waxeey u dhawdahay magaalooyinka Goldogob iyo Taleex, sidaa darteed, labbadaa magaalo laguma qaban karo, maxaa looga dhigi waayey magaalada kalle ee doorashada Bari iyo Sanaag ay ka dhaceeyso magaalada Badhan ama Dhahar si Puntland lawada leeyahay ay meesha uga muuqato?

Hadii dhinaca kalle laga eego, doorashooyinka waxaa lagu bixinayaa dhaqaalo badan, waxaana ognahay in magaalada Boosaaso ay tahay isha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Puntland, taas micnaheeda waxa uu yahay in iyada (Boosaaso) ay dhaqaale ahaan isku filan tahay. Hase ahaatee, waxeey aheed taas beddelkeeda in magaalooyinka Dhahar iyo Badhan lagu qabto si dhaqaalaha lagu bixinayo doorashada ay u gasho magaalooyinka kalle ee aan dhaqaalaha badan soo gellin si meesha ay uga muuqato Puntland lawada leeyahay.

Dhinaca siyaasadda, ku qabashada doorashada magaalooyinka Badhan ama Dhahar waxeey noqon laheed mid astaan u noqon laheed in magaalooyinkaas ay ka mid yihiin Puntland. Hase ahaatee, Puntland waxaa muuqata in dhinaca siyaasadda xitaa aysan wax tixgelinah siinin, ayna u muuqato sababta Badhan iyo Dhahar loogu qaban waayey doorashada ay tahay sidii maamulka uu u raali gellin lahaa beesha Isaaq.

Hadaba, sanadkii 2016kii, Xasan shiikh Maxamuud ayaa yiri, “Puntland waa labba gobol iyo bar”,  dawladda federaalka ee waqtigaan jirtaana waxeey aqoonsantahay in Puntland ay ka kooban tahay labbo gobol iyo bar. Marka aad fiiriso waxa horey u dhacay iyo waqtigan waxa dhacayaana waa kuwo xaqiiqadooda ay sidaa tahay, maamulka Puntlandina waxa uu ka kooban yahay gobolka Bari, Nugaal iyo Mudug barkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ee iyagu aaminsan in maamulka Puntland ay ka tirsan yihiin, mar hadii Puntland ay tahay mid ka kooban labbo gobol iyo bar taas oo weliba dawladda federaalkana ay sidaa aqoonsantahay, maxaa la gudboon ineey sammeeyaan? Ma in qiyaali lagu noolaado, mise in xaqiiqada loo soo noqdo? Maxeey kaga duwan yihiin kuwa Hargeeysa iyo Boorama ka yimid ee doorashada Muqdisho loogu qabanayo kuwa Garoowe iyo Boosaaso doorashada loogu qabanayo?  

Hoos ka daawo Xasan Shiikh oo ka hadlaya in Puntland ay ka kooban tahay labbo gobol iyo bar, ayna labbadaa gobol iyo barka ka dhex sammeeyeen gobolo kale sida Karkaar iyo Gardafuu. Fadlan eeg labba saac iyo toddobo daqiiqo 2:07.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*